Monday, April 25, 2011

Beesha Gur Gure oo si Rasmiya Galabta Ugu Dhawaaqay Inay Taageeersanyihiin KULMIYE

Beesha Gur Gure oo si Rasmiya Galabta Ugu Dhawaaqay Inay Taageeersanyihiin KULMIYE

June 16th, 2010 in Kulmiye_party, Press | leave a response

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa galabta xaflad aad u ballaadhan oo soo dhaweyn ah u sameeyey beesha GURGURE oo ka mid ah beelaha degan Somaliland oo sheegay inay taageeradoodii ku biiriyeen xisbigan.

Xafladan oo ahayd mid si aad u heersaraysa loo soo abaabulay, isla markaana lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, odayaal, dhalinyaro, aqoonyahano iyo haween ka mid ah beesha GURGURE ee iyagu sheegay inay taageeradoodii ku biiriyeen xisbigan si uu ugu guuleysto doorashada madextooyada.

Munaasibadan oo uu ugu horeyn ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo beeshan maadaama oo ay taageeradoodii ku biiriyeen xisbiga KULMIYE ka dib markii ay is-barbar dhig ku sameeyeen sadexda xisbi qaran ee u tartamaya kursiga madextooyada ee looga taliyo dalka, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inay maanta taageeraan xisbigooda. waxaanu tilmaamay in taageeradooda uu xisbiga KULMIYE mar kasta u baahnaa oo uu hore-ba u tabayey maqnaanshahooda.

Sida oo kale waxaa iyaguna halkaas ka hadlay waxgarad, dhalinyaro, dumar iyo aqoon-yahano ka mid ah beeshan, kuwaas oo dhammaantood-ba halkaas ka sheegay in maanta laga bilaabo ay taageero leh hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen mid ka saari kara xaalada adag ee uu wakhtigan dalku ku jiro. Iyaga oo sheegay inay hogaaminayaan siyaasiyiin rugcadaadiya, isla markaana guud ahaan bulshada reer Somalilad ay wada garanayso waxqabadkii taariikheed ee ay dalka u soo mareen, gaar ahaan xiliyadii lagu jiray dib u xoreynta ee ay jabhadii SNM dagaalka hubaysan kula jirtay taliskii macangaga ahaa ee kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, taas oo ay xuseen inay tahay mid aan la ilaabi karin.

Masuuliyiintii kale madashan ka hadashay waxaa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Md Kayse Xasan Cige iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhammaantood-na sheegay inay ku faraxsan yihiin in beeshani ku soo biirto xisbiga, iyaga hoosta ka xariiqay in taageeradooda uu mar kasta xisbigu u baahan isla markaana ay qalbi furan ku soo dhawaynayaan.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa

No comments:

Blog Archive