Sunday, May 29, 2011

BOQORTOYADII DIREED EE AWDAL IYO IFAT: SAMAROON


The Cambridge History of Africa
By J. D. Fage, Roland Oliver, P 153


The Cambridge History of Africa
By J. D. Fage, Roland Oliver, P 153





BOQORTOYADII DIREED EE AWDAL IYO IFAT: SAMAROON

Xukuumada Walasma(1) oo xukunkoodi ku fiday Harar Plateatu ilaa gudaha Somalia isla markaana dagaalo fara badan oo Xabashida ay Awdal lagasho ayaa bilaawday.

Qoraaga I.M Lewis ayaa ka hadlaya qoraal qadiima oo afka carabiga ku qoron oo ku saabsan Beel weynta Gadabuursi Dir:

Qoralaalkan ayaa waxa uu ka hadlayayaa 1392dii dagaalkii weynaa ee Imaam Cali Saciid Samaroone uu kula galay Xabashida Kiristanka ah ee soo weerari jirtay. Imaam Cali Saciid daanta galbeed ayuu ka dagaalami jiray.

Sidoo kale warqadu waxa ay sheegeysaa boqorka Awdal, Saaciida ad.Din iyo walaalkii Haqul Din oo Zaylac xukumi jiray. Maanta boqor Saaciida ad Din wuxuu ku asaan yahay jasiirad yar oo xeebta Zaylac saaran waxaana lagu ziyaartaa halkaas. Xiliga ziyaarada Ilaahay qudradiisa badu weey caaridaa oo dib ayay u durugtaa, lug baana lagu tagaa. Boqor Saaciid ad. Din wuxuu ku shahiiday gacanta Xabashida Kiristanka ah oo soo gashay gudaha Somalia, arladoo dhana burburisay. Qabiilo badan oo ay Beelaha Direed ka mida ayaa ku dhamaaday magaaladii ugu weyneed oo saldhig Dir u ahayd oo la oran jiray Camuudna waa la dundumiyay waxaa kaloo la gubay magaalooyin kale. Camuud waxa baaray Archeologistayaal waxaan laga helay misaajiid weyn iyo dhismayaal badan, qabuurah magaalada kaliya ayaa waxa ku aasnaa 300,000 qof sida laga qiyaasay qabuuraha.

Xudunta ama bartamaha beelaha Direed waxa ay ahayd Zailac oo maanta xoogaga Direed ee Madoobe Direed (Ciise), Maahe Maxamed Xiniftire Dir (Isaaq), iyo Samaroone Maandaluug Dir (Gadabuursi) ay dagaan.

Maxaa naga quseeya hadii aan Dirka koonfur nahay ? Waa su'aal haboon.

Maxamed Xiniftire Maahe Dir koonfurta ayuu ku badan yahay- Suure (Qubeys iyo Cabdalle) waxaa la sheega in uu dagaaladii xiligaan ku shahiiday odeyga Sheekh Suure oo la sheego in uu quraanka si toos aha uga bartay Sheeikh Yuusuf Kaweyn Awbakhadleh ( Alkownin) oo 1300 Galbeedka Somaaliya ka yimid. Qisadii ugu yaabka badneed ayaa waxa ay sheegeysaa in Odeygii Suure xili dagaalo lagula jiray gaalada oo burbur badan ku dhacay Soomalida, siiba Dirka ( waayo dhinacna Kiristan Xabashi ah ayaa ka gumaadeysay, dhanka kalena Haraar ilaa Harawo ilaa Shiniile Oromo Gaalo aha) in maalin ay u yeereen odeyaashii Dirka Sheeikhyada (Yuusuf Kaweyn) loona sheegay dad badan in la laayay lagana dilay Muslinkii Boqor Saacidul Diin (hadana ku aasaan Zailac) laguna qasbay jihaad kama danbeyna in la qaado. Sheeikh Suure waxaa la yiri habeenkii markii uu seexday ayaa Riyo waxaa ugu yimid Khidir oo ugu bushaareeyay inuu xoogiisa iyo awoodiisa iyo dad wuxuu haysto in 'uu dagaal galiyo. Riyadii waxaa kaloo la yiri waxaa uu ku arkay Dagaalkii Badar iyo Asxaabtii Rasuulka (S.A.W). Aroortii wuxuu soo kacay isagoo oo qoslaya oo iliga foosha uu ka dhacay ( waxana la sheegay in uu fool uga dhacay Rasuulka S.A.W tani mucjiso ayay ku noqotay Suure riyaadiina wuu rumeystay in ay sax ahayd) waxaana la yiri Suure wuu dardaraarmay, dhaxalkiisi ayuu wareejiyay wilashiisi Qubeys iyo Cabdalle isagoo weer xiran ayuu Galbeed aaday ilaa uu ku shahiiday sida la sheego meel Harar u dhaw.

Sidoo kale Beelweynta Biimaal waxaa cad in ay Zaiylac agagaarkeeda ka soo guureen wexeyna sheegaan in hogamiyaashii waday markii ay koonfurta aadeen ay wada ahayeen mujaahidintii Awdal waxaana ay Bimaalku u kala baxaan Afar reerood iyo Adeerkood (Dabruube) waxaana hogaamin jiray ayaa la yiri Mucalimiin mujahidiina beel walba ilaa 1890 markii ay beesha Biimaalka jiihadka kula gashay Talyaaniga isla Mucalimiintii ayaa dagaal galin jirtay ciidamada Biimaalka ee Talyaaniga la dagaalmeysay siduu Talyaanigu sheegay wexey u qeybsanayeen xubin xubin, xubin kastana waxa ay ka koobneed 114 nin oo Macalin hogaansho ( boqol iyo afar iyo toban waa lafaha Dir ku abtirsada-iyo quraankaba). Mida Kale waxaa la wada ogyahay in Bimaal uu waqooyiga daganaa xiligii Saacidu al Din 1400- waxaana la sheegaa in Bimaal iyo Isaaq oo Maxamed Xiniftire ilsa ah is dileen xili gaalada lala dagaalamayay gartiina ay galeen Ciise Madoobe Dir iyo Gadabuursi. Gartii markii la gooyayna ay Bimaal caroodeen oo Galbeed u guureen kadibna ay Wabiga Shabeelle dhabehiisa raaceen mantan ay Magaalada Marka ilaa Shabeeleda Hoose iyo Jubada dagan yihiin. Inkastoo ay Gaadsan Waqooyi Galbeed dagaan maanta oo iyagu ah laf Bimaala.

Waxa kale ood ogtihiin, Mandaluug Dir iyo Beelohoodu in ay koonfurta la dagan yihiin Dirka koonfureed ilaa Shabeellada, Hiiraan (reer majuun, Makahil iyo Reer Nuure, Doolo ilaa NFD oo ay dhex Dagan yihiin Quranyow Maxamed Xiniftire ama Gaare.

Mandaluug Dir Makaahiil in ay dagan yihiin Jamaame ilaa Kismayo.

Mandaluug Dir kala daadsanantoodu waxa ay ku tusaysaa dariiqii galbeedka ay Beelah Dir ka soo qaateen kuna soo gaareen Konfurta. Meelo badan oo Ethiopia ku taalana waxaad arkeysaa Dirkii haray iyo sidii ay Oromadu dhulkoodi u jiirtay xiligii Axmed Gurey 1450kii malyuumad Oromo ah ayaa duqeysay dhulkii Dirka waxaana ka samato baxay Gurgur, Akisho, Barsuug, Guure, Madiigan, Gariire Gare, iyo Ciise-Gadabuursi-Isaaq oo nasiib ku lahaa lugna gudaha Somalia ayay u taalay lugn dibada.

Beelah Mandaluug ee Konfurta Somalia

1) Samaroon which is (Samaroon saciid daa’uud Madaluug)GADABUURSI.
2) Reer Isaaq (Isaaq Madaluug) Dhagaxbuur, Qabridahare to Godey Shilaabe, Jarati and Kismayo.
3) Reer Axmed (axmed Madaluug) Their location southern Ethiopia like the area Shilaabe, Jarati, also you can find southern Somalia, like area around Jowhar, also Kismayo to Afmadow, also around Baardheere. BANGAL which is not so far the border between Kenya and Somalia.
4) Reer Xasan (Xasan Madaluug) .Godey, Qalaafe till you reach Hiraan Region. Ethiopia and Kenya Border particularly Nageyle Region.
5) JIRE Madaluug Jigjiga -Faafan area which is in Ethiopia.
6) Irablle Madaluug .Tanzania Rwanda and Burindi,
7) Geelwaaqlle Madaluug . Ethiopia and Northern Kenya.
8) Masalalay Madaluug . Kenya, Somalia and Ethiopia.
9) Xuseen (Hussein) Madaluug

Walasma(1)Waa Boqorkii ugu horeeyay ee asaasay boqortooyinkii Awfat (Ifaat iyo Awdal) waxaana uu dhalay Saacid al Diin iyo Nuur al Diin oo Zailac midi ku asaasan yahay
waxaa u soo u gudbiyay Codka BeeshaQore: Warsame

No comments:

Blog Archive