Thursday, May 19, 2011

DEEGANADA ETHIOPIA OGADEEN DIR BAA UGA BADAN

Marka hore Salaan, salaan ka dib suáal aad u qiimo badan ayaad keentay. Dalkan Somali galbeed la yiraahdo waxaa daga dhamaan qabiilada Somaaliyeed oo dhan marka ma haboona in loogu yeero magac beel (Ogadeenya)ee waxaa haboon in loogu yeero Somali Galbeed. Saan ognahay cadoowga Somaalida wuxuu mar walba isku dayaa in la kala qaybiyo umada Somaaliyeed oo qas iyo casaabiyad qabiil lagu beero.

Anigoo sharaf weyn u haya beesha Ogaadeen ee Somaliyeed iyo doorka dheer ay ka cayarto xoreynta dalkaa Somali Galbeed hadana dadka ku nool dalkaa Ogadeenku kama badna boqolkiiba 20%.


Soomali galbeed waxaa ku nool:

1)Waqooyiga Somali galbeed Beesha Dir oo ay ka mid yihiin Ciise,Gurgure,Akisho,Isaaq,Barsuug,Gadabuursi,Jaarse,Gaadsan,Guure,Gariire,Fiqi Muxumad,Fiqi Khayre,Qubeys,Jiido,Obo,Mandaluug,Madigaan,Bajimaal iyo qaarkale oo badan.

2)Qaybaha Dhexe waxaa Dagan Daarood:
Abasguul, Bartire,Yabare, Ogadeen,Gilimeys,Dhulbahante,Mareexaan,Majeerteen(baciyahan),Harti gaab iyo beelo kale oo badan.

3)Waxaa daga dalkaa Gabooyo (Madiibaan-Midgaan)

4)Hawiye: Karanle Hawiye,Gaaljecel,Sheekhaal,Hiraab,Jajeele iyo beelo kale oo badan.

5)Beelaha /Samaale /Dir/Hawiye ayaa u badan Koonfurta iyo aaga Mooyaale oo ay ka mid yihiin: Gare, Dogoodi, Gadsan,Guure, Gariire,Bajimaal,Xawaadle,Ajuuran,Suure,Fiqi Muxumud, Akisho, Obo, Fiqi Yahye, Fiqi Khayre, Fiqi Cumar, Nacdoor/Mandaluug/Layiile iyo Beelaha waaweyn ee Gurgure , GAdabuursi, iyo Cise Madoobe Dir iyo Madiigan

6)Raxanweeyn fara badan oo ay ka mid yihiin Gasar guudo/Hadame iyo beelo kale oo badan ayaa dalkaa dagan.

7)Beelaha Shebeele,Reer baare, Kaboole,Duubo,iyo beeralay kale oo fara badan ayaa ku sii nool oo Ogaandeka barkii ka badan.

8)Ugu danbeen waxaa jira dad Muslimiina oo Somalida la dhaqan iyo af ah oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa meel walba ku dhex baahsan oo dhex dagan Somalida oo ay ka mid yihiin Caruusada, Booranta,Gabrah, iyo Guuji.

Marka walaalo waa Khalad iyo gardaro in Ogaadeenya loo bixiyo dal loo wada dhan yahay. Beena ma fiicna Dir ayaa u qalanta in loo baxasho dalkaa intii Ogadeen la oron lahaa.

No comments:

Blog Archive