Beelah Direed ee konfurta Somalia (Mudug/Galgaduud/Sh.Hoose) dagan waxa
ay sheegan in odeyga Direed uu dhalay Afar wiil oo kala ah:
Madaxeyne Direed oo curad ah, Mahe Direed oo ku xigeen ah, iyo labada kale oo kala ah Madoobe Direed iyo Mandaluug Direed oo ugu yar da'a ahaan marka la eego.
Taarikhiyan waxa ay rumeysanyihiin Dirka Galbeedka iyo Konfurta dagan
dhoor qodob oo ku saabsan tariikhda hore:
1)Dadka Direed in ay ka yimaadeen dhankan Galbeedka bilawgii, kunsano
ka hor.
2)Magaca Dir in uu macnahiisu yahay "Fir" ama Ab. Oo lagu macneyn karo
geesi ama Dhiire.
3)Konfurta Dirta dagan wexey rumeysan yihiin in ay Dirka xukumi jireen Saladiin loo yaqiin ROOBLE oo ahaa ilaaliyaasha Xeerka iyo caadada beesha.
Rooble- Xeerbeegti,Qareemo, amanduuleyaal,Roobdoonayal,iyo mareynta reerka ayaa lagu aqoon jiray.Guud ahaana waxa ay ilaalin jireen xeerka oo Dirku rumeysnaa in ay ka dhaxleen Dir Aji abkoodi hore.
Madaxdan oo loo aqoon jiray Roobleyaash dadku wey ixtiraami jireen ila heer xitaa
isha laguma godi jirin, oo xitaa "ILKULULe" ayaa loo aqoon jiray.
4)Waxa kaloo ay rumeysan yihiin in Zeylac magalada la yiraahdo ay Dir badan soo jidatay qarnigii (700 AD) halkaas oo ay ka soo dageen Asxaab badan oo Rasuulka(Caleyhi salatu wa salaam) u soo diray magaalada Zailac Hijradii koowad. Oo dadka Direed iyo Canfarta (Oday Caliga) ay waagii danbe ka wada asaseen labo boqortooyo oo la kala dhihi jiray
CIFAT iyo CAdal.
5)Dirta koonfurta iyo Galbeedka dagan waxa ay rumeeysan yihiin oo kale in 1400 ay dhaceen dagaalo far badan oo xabashida iyo muslimiinta is dagaaleen. Ilaa ay xabashida oo adeegsaneysa (Portugees)burtaqiis ay cagta mariyeen boqortooyoyinkii Musliminta oo kuwa Direed ee Cifat iyo Awda ka mid ahayeen
6)Dhamaan waxa ay rumeysan yihiin Dirka in ay door weyn ka ciyaareen fidinta diinta Somalia iyo Ethiopia dhexdooda.
Sheekhyada waaweyn ee geeska Afrika sida Sheikh Xuseen Bali, Aw Barkadle, Awbarre iyo qaar kale ay Cadal iyo Cifad ka soo jeedan
4)Beelaha Biyomaal iyo Suure iyo Guure waxa ay sheegan in 1600-1750 ay u soo guureen duleedka dalka (Gobalada dhexe iyo labada wabi dhexdooda) mudo yar ka dib dagaladii Axamed Gurey iyo Amxaarada.
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2011
(256)
-
▼
May
(125)
-
▼
May 19
(10)
- Nin Qubeysa oo ilaa odeygii Dir Abtisanaya oo lagu...
- Deeganada Cabas Muuse (Qore Nin Cabas Muuse ah oo ...
- DEEGANADA ETHIOPIA OGADEEN DIR BAA UGA BADAN
- Ziyaaradii labadii caalim ee waawaynaayeen Sheekh ...
- Beelaha Direed waxay dowladda ka heleen: Ra’iisal ...
- October 29-2003 DAGAALO QARAAR OO MAALINTII LABAAD...
- Dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke i...
- SOMALI NGO LACAGAHA SOMALIA LAGU CUNO
- TARIKHDA DIR BEELAHA KONFUR
- DIR SIDEY DINTA ISLAMKA U FIDSHEEN, TARIKHDA DAROO...
-
▼
May 19
(10)
-
▼
May
(125)
- ► 2012 (418)
No comments:
Post a Comment