Thursday, May 19, 2011

Ziyaaradii labadii caalim ee waawaynaayeen Sheekh Yuusuf Sheekh

http://www.ahlusunna.org/News/Ziyaradi%20Sh%20Yusuf%20iyo%20Sh%20M.shtml[/url]

Daawo Sawirada qurxda badan



Ziyaaradii labadii caalim ee waawaynaayeen Sheekh Yuusuf Sheekh


Ibraahim (Sh Yusuf Direed) iyo tilmiidkiisii weynaa Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe Allaha ka raali noqdee oo ka dhacday meela fara badan oo ka mid ah aduunka.
Meelaha uu ka dhacay xuska mashaa’ikhda waxaa ka mid ah gooba badan oo ku yaalla wadanka gudahiisa sida maqaamka uu ku yaallo Dariixa sheikh Yuusuf ee magaalada Huurshe, Mugadishu iyo magaalooyin kale, sidoo kale wuxuu ka dhacayaa meela ka mid ah wadanak dibadaiisa sida America, Canada, UK , Sweden, Kenya iyo gooba kale.
Bal aan tusaala kooban ka bixino sida looga xusay labada sheikh maqaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Waxaa lagu qabtay xaafadda Eastleigh xaflaad aad u balaaran oo lagu maamuusayo Ziyaarada mashaa’ikhda xafladaas oo isugu jirtay Qu’raan aqris iyo wacdi.
Ziyaaradaan oo jawi sare ku dhamaatay ayaa waxaa soo abaabuley awlaada masha’ikhda iyo talaamiidii cilmiga ka xanbaartay mashaa’ikhda,
Sh C/raxman Sh M Guuleed iyo Sh Hashim Sh Yusuf
waxaa la sameeyay subaxnimadii Axadda martiqaad aad u balaaran oo ay kasoo qayb galeen dhamaan culamaa’udiinka ree Nairobi ee ahlusuuna wal-jamacah oo lagu aqriyay jaamcayo fabadan oo mashaa’ikda loo hadiyeeyay.

Qaar ka mid ah Culamadii Aqrisay Qur'aanka
Qaar ka mid ah Culamadii Aqrisay Qur'aanka
Qaar ka mid ah Culamadii Aqrisay Qur'aanka
Deetana ,habeenkii Isniintii oo tariikhda Hijriyadu ahayd 08/2/1428 kuna beegneed 26 February ee 2007 ayaa waxa lagu qabtay xaflad si wayn loo soo diyaariyay masjidka ZAmzam eek u yaala xaafada Eastleigh, xafladaan oo ay kasoo qayb galeen Aalu baytka Rasuulka SCWS, mashaaikhda ugu caansan wadanka Soomaaliya iyo Kenyaba, iyo dhamaan dariiqooyinka suufiyada ee ka jira gayiga Kenya, waxaana ka mid ahaa mashaa’ikhdaas:
• Shariif C/lahi Shariif Xasan
• Shariif cali masaajid
• Shariif Musdaf oo ah Mudariska iyo imamka maskidka Al-Xaqq
• Sh Muriidi Sh Abuukar Nuur Aala Sh Uways Al-Qadiri
• Sh Maxmuud Cali Wacays Caalimkii soomliya
• Sh C/qaadir Xashi Cali (Baajuuri)
• Sh Xasan Sh Axmed Aw Cali
• Sh Cusmaan Sh Maxamed Sh C/raxmaan Celi
• Sh Hashim Sh Yuusuf Sh Ibrahim
• Sh C/raxmaan Sh Maxamed Guuleed
• Sh maxamed yusuf Wacays (Dhagaxbuur)
• Sh C/raxmaan mire Jimcaale
• Iyo mashaa’ikh kale.
Sh M.Cali Wacays,Sharif C/lahi iyo Sh C/qadir Xashi Bajuri Qaar ka mid ah Culamadii kasoo qayb gashay Ziyarada
Xafladaan qiimaha badani waxa u dhacday sidatan:
Xafladu waxay ku bilaabatay ayaadaha Qur’aanka Kariimka oo uu aqriyay Macalin Zakariye Sh Cusmaan , ayaadaha Qur’aanka kadib waxa lagu xijiyay Qasaa’id lagu xusayo Rabbi SW, kuwa lagu amaanayo Rasuulka SCWS iyo qasiidooyinlagu amanayo Awliyada oo ay ka mid yihiin mashaa’ikda mowsimka loo caqiday.
Intaa ka dib Xariiriyaha Ziyaradda, Sh. C/qaadir Macalin Aaden ayaa qaatay microphone-ka wuxuuna u mahad celiyay isagoo wakiil ka ah Sh Hashim sheikh Yuusu, Aalu-baytka Rasuulka, mashaa’ikda iyo dhamaan ka soo qayb galayaasha ziyaarada.
Deetana wuxuu ku soo dhaweeyay gacanka Shariif C/lahi Shariif Xasan oo ka hadlay tilaamnta Awliyada Ilaahay (SW), waxay ku xigay Sh. Maxmuud Cali wacays oo isaguna daka ku booriay inaa qaadan dariiqii mashaaikhda la ziyaaranayo oo ahaa baridda iyo barashada cilmiga si aanay u dhicin in Jihaad lagu tilmaamo waxyaabo Diinta looga baxayo. sidoo kale waxaa ka yiri kalimdiisa Sh Xasan Sh Axmed (Sh Xasan Madoobe).

Wacdi dheer ka dib wuxuu xariiriyuhu ku soo dhaweeyey microphone-ka Sh. C/qaadir Xashi Cali (Sh C/qadir Baajuuri) oo soo gabagabeeyay ziyaarada kana sheekaeeyay qaar ka mid ah karaamooyinka mashaaikhda, deetana waxa duceeyay Aalu baytka Rasuulak (SCWS) iyo Sh Muriidi Sh Abuukar Nuur oo ah faracii Sh Uways Al-Qaadiri(RC), waxay Aalu baytka iyo mashaaikhduba Ilaahay uga baryeen guud ahaan ummada Soomliyeed in Ilaahay fahamsiiyo maslaxadooda una soo dajiyo nabad waarta iyo inay ku toosnaadaan kitaabka Ilahay iyo Sunnda Rasuulka(SCWS).
Ziyaarada mashaa’khda waxa ka soo qayb galay jamaacooyin ay ka mid yihiin :
• Ree Sh Uways dheere
• Ree Sh C/raxman Suufi
• Ree Sh C/raxmaan Celi
• Ree Sh Cli Cilmi yare
• Iyo jamaacooyin kale oo aan la koobi Karin.
Qaar ka mid ah jamaacadkii ka soo qayb galay ziyaarada Dikri salantii ree sh Cali Cilmi Yare

Sidaa si lamid ah waxaa si aad ah uga dhex muuqanayay Ziyaarada Dhalinyarada Ahlusunna wa-jamacah ee wadnak Kenya.
guud ahaan ziyaaradu waxay ku dhamaatay jawi nabadeed oo aad loo soo diyaariyay Allaha ku jazeeyo kheyr aan lasoo koobi karin kuwii soo diyaariyay.
Qaar ka mid ah jamaacadkii ka soo qayb galay ziyaarada Qaar ka mid ah jamaacadkii ka soo qayb galay ziyaarada
NB :- Haddi AIlaha awooda lihi ogalaado waxan u soo gudbib doona aqristayaasha sharafta badan tarjamada mashaa’ikda oo kooban.
Af hayeenka ahlusunna wal jamaaca Sheikh Maxamuud Sheikh Xasan Faarax "Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa Dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya iyo midowga maxaakimta".


Waa in la joojiyaa dagaallada dhiiggu ku daadanayaan, lana qaataa dib uhishiisiinta ay ku baaqeen culammaa’udiinka soomaaliyeed sidaas waxaa yiri caalimka weyn e sida aadka ah looga yaqaano geeska afrika iyo waddamada carabta.
Sheikh maxamuud sheikh xasan oo wareysi siinayey qaar ka mid ah idaacadaha muqdisho ka jira kuna hadlayey magaca culammaa’udiinka soomaaliyeed ayaa sheegay in aan la taageerin dagaallada ka socda soomaaliya oo uu sheegay in labada kooxood ee isaga soo horjeeda dagaallada ay kala adeegsanayaan dad ajnabi ah.
Sheekhu wuxuu sheegay inaan diin lagu dagaallamayn ee dhiigga umadda loo daadinayo xukun jacayl, taasoo cid waliba ay heli karto waxay doonayso ee Ilaahay u qadaro iyagooo aan daadin dhiigga ummadda.

Sheekha oo la wqeydiiyey in ciidama Ethiopian ah ka dagaallamayaan gudaha soomaaliya ayaa yiri ilaa goormaa la lahaa ciidamaa soo galay maxaa faa’iido laga hayaa, mar horaan caddaynay sida looga badbaadi karo labada dhinac inay adeegsadaan ciidama ajnabi ah.
Culammada soomaaliyeed horey ayey ugu baaqeen in ay u sameynayaan dib u hishiisin kooxaha maxkamadaha iyo dawlada ku meelgaarka, laakiin kooxaha maxkamadaha ayaa yiri see loola hishiinayaa kooxo mujrimiin ah oo ay ula jeedaaan dawladda ku meel gaarka oo horey Usaama Binlaadin amar ugu siiyey maxkamadaha inay laayaan dawladda iyo Madaxweyne C/laahi yusuf oo uu Usaama sheegay inay gaalo yihiin.

Ahlusunna wal jamaca.

No comments:

Blog Archive