Maxkamaddan oo lagu magacaabo Nuurul-Islaam oo ay dhisatay Beesha Garre
        oo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta looga dhawaaqay Magaalada
        Muqdisho, waxaana xafladdii looga dhawaaqayay oo ka dhacday Degmada
        Hodan ka qeybgalay Culumaa'udiin, Oday Dhaqameedyo, Ganacsato,
        Siyaasiyiin, Haween iyo Dhalinyaro ku abtirsada Beesha Garre.  
    
        Furitaankii Xafladda lagu furayay Maxkamadda ayaa waxaa ka hadlay Oday
        Dhaqameedyo iyo Culumaa'udiin, kuwaasi oo muujinayay sida ay Beesha
        isugu raacday in ay sameysato Maxkamad Islaami ah oo ka qeybqaadata
        hirgelinta Shareecada Islaamka. 
    Suldaan C/llaahi
        Shiikh Cusmaan oo ka mid ah Oday dhaqameedyada Beesha Garre ayaa sheegay
        in Maxkamadda ay sameysteen ay ka howlgeli doonto deegaanada ay beesha
        Garre degto oo uu ka xusay Afgooye, Tooratoorow, Aw-dheegle, Qoryooley,
        Farsooley, Bur-god, Buullo-Fullaay, Ceel-Waaq Soomaaliya, wuxuuna ku
        booriyay Beesha Garre in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga qeybqaadan
        lahaayeen sii adkeynta nuurka ay heleen dadka Soomaaliyeed. 
   Shiikh Aadan Xasan
        Xuseen iyo Shiikh Qaasim Shiikh Maxamed Nuur ayaa iyaguna ka hadlay
        madashii looga dhawaaqayay Maxkamadda Nuurul-Islaam, waxayna labaduba ku
        baaqeen in loo baahan yahay in ay Beesha Garre qaadato ku dhaqanka
        Shareecada Islaamka, isla markaana ay aasto haatan wixii ka dambeeyo ku
        dhaqankii caadooyinka iyo xeerka. 
   Shiikh Nuur
        Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culumada
        Soomaaliyeed oo xafladda lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay Beesha
        Garre Maxkamadda ay ku dhawaaqatay, wuxuuna u rajeeyay in ay ku
        guuleystaan in ay Maxkamaddooda ku baahiyaan deegaanada ay degto Beesha. 
   Shiikh Nuur wuxuu
        qudbadiisa u sii dusiyay dhaliil uu u jeediyay Dowladda Federaalka
        Soomaaliyeed oo sida uu yiri muddo labo sanadood ah iyadoo aan waxba
        qaban haatan fadhida magaalada Baydhabo, "Niman baa dowladda loo
        soo dhisay Soomaaliya ay taladoodii dhaafi la'dahay in ay qaad ku cunaan
        Magaalada Baydhabo, kuwaasi waxaan dhihi karaa ma ahan kuwo wax ka qaban
        kara xaalka uu maanta dalka Soomaaliya ku sugan yahay, sidaas darteedna
        waxaan soo jeedinaa in Maxkamadaha Islaamka fursadda la siiyo"ayuu
        yiri Nuur Baaruud Gurxan. 
   Guddoomiyaha
        Maxkamadda maanta lagu dhawaaqay ee Nuurul-Islaam Shiikh Xasan Cusmaan
        Xuseen ayaa munaasabadda ka hadlay wuxuuna sheegay in Maxkamadda ay ku
        dhawaaqatay Beesha Garre ay tahay mid ku dhawaaqisteeda lagu taamayay ka
        hor Midowga Maxkamadaha Islaamka balse ay qadarta noqotay in maanta lagu
        dhawaaqo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Maxkamaddu ka howlgeli doonto
        deegaanada ay beesha dhisatay degto. 
    Guddoomiyaha
        wuxuu ka codsaday xubnaha beesha meel kasta oo ay joogaan in ay taageero
        hiil iyo hooba leh la garab istaagaan Maxkamadda ay furteen, isagoo
        carrabka ku dhuftay in sidoo kale loo baahan yahay in lagu faro adeygo
        nimcada ay heleen ee ay u keeneen Maxkamadaha Islaamka. 
   Ugu dambeyntiina,
        Tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta
        Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysa la maqlayaa
        Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo sameysanaya
        Maxkamado Islaami ah, waxaana maanta ugu dambeeyay Maxkamadda
        Nuurul-Islaam oo degmada Hodan laga furay iyo Maxkamadda Al-Ansaar oo
        laga furay Degmada Madiina. 
Qore: Salaad Iidow          
        Source: Hiiraan Online
 
 
No comments:
Post a Comment