Monday, September 10, 2018

Beesha Maxaad-Barre oo soo saartay Bayaan ay ku Cambaaraynayaan in…(Habar Yoonis Beel)

Beesha Maxaad-Barre oo soo saartay Bayaan ay ku Cambaaraynayaan in…



(Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu) 
Ku: Salaadiinta,odayaasha iyo waxgaradka Beesha Habar-Yoonis/Isaaq.
Ka: Salaadiinta,Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Maxaad-Barre/Madhibaan.
 Bayaan:(Beesha Maxaad-Barre, bayaankan waxay soo saartey markii ay u adkaysan wayday beenta laga sheegayo isirkeeda(halka ay ka soo jeedo) ama abtirkeeda iyadoo wada tashiyo badan oo khadka taleefanka ah la samaysan dhamaan beesha oo dhan ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba iyadoon beesha looga baran bayaanadan oo kale) 
         Cambaarayn Marin habaabinta Abtirsiinyaha Beesha Maxaad -Barre ee ka tirsan beelaha Madhibaan,
Anaga oo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad Barre ee dagan Soomaali-Land iyo Soomaaliyaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in aysan waxba ka jirin arrimo beryahan lagu marin habaabinayo abtirsiinyaha beesha oo ay Yurub ka wadaan koox yar oo ka tirsan beeshayada iyo koox ka tirsan beesha Habar-Yoonis.
         Kooxdan yari waxay ku andacoodeen in beesha Maxaad-Barre ay tahay Kuul-Carre/Habar-Yoonis. Arrintaas oo aan waxba ka jirin,Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in beel isirkeeda la yaqaan, oo qarniyaal soo jirtey in maanta la isku dayo in taariikda isirkeeda la khaldo, ayadoo laga faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaarka u haysta beesha iyo beelaha la midka ah iyadoo dad kooban loo dirayo dhaqaale si loo jaahwareeriyo soo yaalka taariikheed.
         Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad waxay xidhiidho badan la sameeyeen qaar ma mida salaadiinta iyo waxgaradka beesha Habar-yoonis, waxaana ka mida Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Suldaan Barre, Suldaan Maxamed Xassan Ibraahim, Gudoomyaha Golaha Guurtida beelaha Habar-Yoonis Cawil Yusuf iyo kuwa kale, waxgaradkaasi waxay noo sheegeen markii aan la hadalnay:
  • 1) in wararka hada la faafinayo ay yihin been aysan waxba ka jirin laguna marin habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha Maxaad-Barre isla markaana aysan raali ka hayn, iyagoo qirey cuqaashaasi in beesha Maxaad-Barre aysan isir wadadhalasho la wadaagin beelaha Isaaq gaar ahaan beesha Habar-Yoonis/Kuul Carre.
  • 2) In aysan ka war heyn ama ogayn goob ay salaadiinta Habar-Yoonis ku shirtay ama go’aansatay in beesha Maxaad-Barre tahay Kuul-Carre oo ah oday ka lumay beesha Habar-yoonis.
Waa kuwan hadaladii qaar ka mida salaadiinta habar-Yoonis:
Suldaan Barre( In la idin kala qaybiyo ama la idinka jabiyo waa arin gaf idinku ah, arin idin qabatana maaha.dad 500 sano dhulka wada daganaa baynu nahay ninka taarikh cusub oo aydaan lahayn idin sameeyey isagay ku kooban tahay,Habar-Yoonis wax ka yimi oo ay ogtahayna maaha ee raali ka ahaada. Idinkuna ha buunbuunina oo ha sii wadwadina)
 Cawil Yusuf:Gudoomyaha Guurtida Habar-Yoonis ( Habar-Yoonis taariikh aad leedihiin ma hayso, arintuna dhiniciinay nagaga timid, dadka ii keenayna waxay leeyihin abtirka waxaa noo sheegay nin ka mida beesha Maxaad-Barre oo wali nool)
 Caddayn: 
 Haddaba, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay caddaynayaan:
1. In Beesha Maxaad Barre iyo beesha Habar Yoonis uu ka dhexeeyo xiriir wada degaan oo soo jireen ah oo ay yihiin dad ood wadaag iyo xiriir wanaagsan leh.
2. In arrinta abtirsiinyaha ee hadda la wado ay tahay majara habaabin taariikheed, oo aysan jirin abtirisiinyo beeleed oo ka dhexeeya beesha Maxaad-Barre iyo beesha Habar-Yoonis.
4. In Odayaasha iyo Waxgaradka beesha Maxaad-Barre ay ka xunyihiin isku dayga kutirikuteenka ah ee lagu maran habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha ee ay ka soo gaadheen waalidkood.
 5. In taariikhdan cusub ee la dhadhabayo ee madaxa la isu gelinayo abtirsiinyaha laba beelood ay tahay mid laga leeyahay dano gaar ah.
6. In beesha Maxaad-Barre aysan aqbalayn wax kasta oo lagu leexinayo Taariikhda iyo isirka beeshooda.
Cambaarayn:
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay camaaraynayaan in shakhsiyaad dano gaar ah leh oo ku nool Yurub iyo waqooyiga maraykanka ay beryahan dambe dan ka
dhigteen in ay keenaan abtir iyo taariikh been ah si ay khalkhal u galiyaan taariikhda iyo abtirsiinyaha wanaagsan ee Beesha-Maxaad, ujeedadooduna tahay dano iyaga u gaar ah.
Waxaan markale halkan ku cadaynaynaa in taariikhda Beesha Maxaad Barre ay sugan tahay, oo aysan bedeli karin shakhsiyaad u qasday marin
habaabin. Beesha Maxaad Barre ma aha, kamana tirsana beesha Kuul Carre ee Habar Yoonis.
 Codsi:
Salaadiinta, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Habar-Yoonis waxaan ka codsanaynaa in ay dhinacooda arrintaas wax ka qabtaan, maadaama ay tafaraaruq iyo khilaaf ka dhex dhalisay Beesha-Maxaad. Waxaana codsanaynaa in aan dhibkii beesha hore u gaaray aan loogu darin dhib kale.
Sidoo kale waxaan kula talinaynaa shakhsiyaadka ka tirsan Beesha -Maxaad ee ku dhex jira isir-leexinta in ay arrintaas faraha kala baxaan, una jeestaan midaynta iyo wax u qabadka dadka tabaalaysan.
Gababago:
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay u mahad celinayaan Dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka Habar-Yoonis. 
Waxaan guud ahaan Beesha Maxaad-Barre ku wargelinaynaa inaysa aqbalin jaahwareerka ay wadaan koox dano khaas ah leh oo la iskaga hor keenayo beesha dhexdeeda. Midnimada beeshu waa horumarka beesha. 

Waxaa bayaankan wada jir usoo saaray:  
Odayaasha iyo waxgaradka beesha ee degan USA/Canada 
  1. Odayga guud ee Beesha Maxaad-Barre Saleebaan Cumar Maxamed( Saleebaan Hindi)
  2. Nabadoon Cabdille Xiirey Cawad
  3. Nabadoon Xaashi Kaynaan
  4. Nabadoon C/laahi Maxamed Yool
  5. Dr:Hassan Cali Maxamed
  6. Gudoomyaha beesha Siciid-kuul/Maxaad-Barre Sh.Maxamed Adam Xiirey
  7. Gudoomye ku xigeenka Koowaad Prof:Deeq Maxamed Cumar
  8. Abwaan Cismaan Ducaale Daahir
  9. Abwaan Caydaruus Maxamed Dhuux
  10. Xildhibaan Maxamed Ahmed Keynaan
  11. Prof:Cali Cabdi-salaam(Cali Azhar)
  12. Inj: C/rasaaq Faarax
  13. Nabadoon Muuse Adam Xiirey
  14. Nabadoon Cabdirisaaq Caydiid Xiirey
  15. Nabadoon Xuseen Ducale Daahir
  16. Hooyo Saafi Saalax Ducaale
  17. Abwaanad Khadiijo Jaamac Qambi
  18. C/rashiid Keynaan
  19. Cismaan Xaashi
  20. Hersi Maxamed Xiirey
  21. C/fataax Ahmed Keynaan
  22. C/rashiid Ahmed Keynaan
  23. Ibraahim Hassan Yool
  24. Axmed/Fowsi Hassan Aw-cali Siraad
  25. Nabadoon C/rashiid Cisman Cali Buraale
  26. Nabadoon Maxamed Cisman Cali Buraale
  27. Barkhad Cali Geedi
  28. Hassan Cali Geedi
  29. Cabdi Xaashi(Cabdi Madoobe)
  30. Cali Jaamac Adam
  31. Bashiir Jamac Adam
  32. Yasiin Jamac Adam
Iyo dad badan oo kale oo aan halkaan lagu soo koobi Karin  Odayaasha iyo waxgaradka beesha ee degan qaaradda Yurub: 
  1. Odayga Beesha Maxaad-barre ee qaarada Yurub: Abwaan Cali Yaabag
  2. Dr: Hassan Maxamed Cismaan
  3. Daljire: Axmed Muuse (Daakir)
  4. Nabadoon Maxamed Muuse Xayir(Afjar)
  5. Yusuf Muuse Xayir
  6. Axmed Mustafe Cabdi Aw-cali Siraad
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan Ustareeliya: 
  1. Odayga beesha Maxaad-barre ee Ustareeliya: Axmed Maxamed Dahir(Quule)
  2. Nabadoon Cabdi Cali
  3. Farxaan Cabdille
  4. Xabiib Cisman Cali Buraale
  5. c/Laahi Axmed Maxamed
 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan UAE(Imaaraadka) 
  1. Odayga Beesha Maxaad-Barre:Maxamuud Maxamed Diiriye(Faas)
  2. Nabadoon Cabdi Cismaan Cali Buraale
  3. Xassan  Cisaman Cali Buraale
  4. Muuse Maxamed Diiriye
  5. Cisman Faarax Daahir
  6. Ismaciil Faraxa Daahir
  7. Maxamed Ducale Daahir
  8. Ismacil Xuseen Mire
  9. SH.Muxiyadiin jamac Faarax
 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan Magaaladda Boosaaso/Putland 
  1. Nabadoon Adam Cige Cali
  2. Nabadoon Mowliid Ducale
  3. C/raxiin Cawad Obsiiye
  4. Cabdirashiid Sahal
  5. Cawil Seed
  6. Mursal Sahal
  7. Yusuf Siciid
  8. Jamac sandoon
  9. C/Qaadir Sabeeye
  10. Farxaan C/Laahi
  11. Shukri Xaashi
  12. Asad Bashiir
  13. Maxamuud Sabeeye
  14. Jaamac Cadaysay
  15. Saleebaan Ducaale
 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan Nairobi/Kenya 
  1. Nabadoon Maxamed Sulub Cumar
  2. Nabadoon Cali Muuse Hassan
  3. Pro. Maxamed Haybe Xidig
  4. C/Kariim Cali Muuse
 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan Magaalad Ceeri-Gaabo/Sanaag-Somali-land 
  1. Caaqil Daahir Sahal
  2. Caaqil Maxamed Tarabi
  3. Caaqil C/Laahi Ducaale
  4. Caaqil Maxamed jamac Faarax
  5. Caaqil Raan Cige Cali
  6. Siciid Raage Cali
  7. Sahal Raage Cali
  8. Caydiin Raage Cali
Wixii faahfaahin ah waxaa lagala xiriri karaa:
Maxamed xiirey, Email: maxaadbarre@yahoo.com tel: 303-523-5510
ama 
Cusmaan Daahir, Email tayasir7198@yahoo.com , tel: 612-227-8830
Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,
________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 comments:

Anonymous said...


Aniga oo ah, garaadka guud ee beelaha Kuul Carre garaad Axmed Diiriye Geyllan iyo afhayeenka beelaha Kuul Carre mudane Maxamed Jaamac Cawil iyo cuqaasha iyo waxgaradka iyo dhammaanba dadweynaha beelaha Kuul Carre eek u kala nool daafa adduunka,

Waxaanu si weyn u soo dhoweynaynaa, isla markaasina aanu taageeraynaana shirkii jaraaid ee uu suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, dhowaan ku qabtay magaalada London UK, kuna muddeeyey shirka bisha Janaury 20da ka dhici doona magaalada Burco, ee gobolkaTogdheer Somaliland.

Shirkaasi oo beelweynta Habar Yoonis ku soo dhweynayso beelaha Kuul Carre , isla markaana looga wada hadli doono mashaariic horumarineed , sida dekeda Maydh, waddooyinka isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, waddada Tabca iyo wadada isku xidha magaalada Oodweyne iyo caasimada Soomaaliland ee Hargeysa.Haddaba anagoo ah garaadka guud ee beelaha Kuul Carre iyo cuqaasha iyo afhayeenka kor ku xusaan. Annagoo ku hadlayna afka beelaha Kuul Carre waxaan bayaaminaynaa Inaan diyaar u nahay inaan shirkaas si buuxda uga soo qaybgalno annagoo aad ugu faraxsan ugana mahad celinayna beelweynta walaaleheen ee Habar Yoonis. Waxaan ka digayanaa inay jiraaan , dad aan ka tirsanayn metelina beelaha Kuul Carre ay mararka qaarkood isku dayaan inay beelaha soo farageliyaan arrimohooda gaarka , waxna ka qoraan.,Waxaanna ugu nasteexaynaynaa inay ka waantoobaan borobagaandhada.

Wa billaahi towfiiq.

Waxaa saxeexay afhayeernka beelaha Kuul Carre mudane Maxamed Jaamac Cawil.

Garadkani ma aha hogaamiye dhaqameedkii ugu horeeyay ee taageeray shirka Burco ka dhici doona 20/1/2010, waxa iyaguna hore baaqyo kala gadisna soo saaray oo ay shirkaasi ku taageersanyihiin badiba salaadiinta beelweynta Habaryoonis iyo sidoo kale gudiga golaha guurtida ee beelweynta Habaryoonis ee Burco, kuwaasi oo dhamaantood soo dhaweeyay.


Dhanka kalena waxa na soo gaadhay qoraal uu soo saaray garaadka guud ee beesha Kuul Care, kaasi oo uu daboolka ka qaaday in uu ka soo qayb gali doono shirka magaalada London ay isugu iman doonaan beel weynta Habaryoonis ee ku dhaqan wadanka UK.

Sidoo kale ayaa shirkani waxa ka soo qayb galaaya dad kala gadisan oo beelaha Habaroonis oo ka kala imanaaya wadamada Yurubta waqooyi, kuwaasi oo na soo gaadhsiiyay baaqyo taageero ah iyo iyaga oo cadeeyay in ay shirka ka soo qayb gali doonaan kaasi oo ka dhici doona magaalada London 21/11/09.

https://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=231926

Anonymous said...

https://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=231926

Anonymous said...

http://www.iftiinkacusub.com/2016/04/majiraa-qabiil-layidhaa-kuul-carre-oo.html

Taarikhda Kuul Carre iyo Madibaan

Blog Archive