Tuesday, September 13, 2011

Dec 9, 2006. Beesha Qubeys oo heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka

Dec 9, 2006.
Beesha Qubeys oo heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka

Waxaa maalintii shalay kulan balaar ku yeeshay magalada Muqdisho Qeybaha ay ka koobantahay beesha Qubeys oo ay kaga wada hadlayeen Waxyaabo ay ugu horeyso in si isku mida loo qaato ku dhaqanka shereecada Islaamka

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay dad ay ka mid ahaayeen, nabadoon xuseen Geeddi Jimcaale oo yiri “Maanta wixii ka dambeeya waxaan ILLAHEY hortis taageereynaa islaamka sidaas ayaana ku midownay qeyb kasta oo inaga mid ah” ayuu yiri nabadoonka.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee golaha maxkamadaha Sheekh Ibraahim Maxamuud Suuley oo ku furay aayado quraan ah iyo wacdi uu u jeedinayo ka soo qeyb galayaashii shirka beesha, wuxuuna dhinaca kale, si aad ah uga codsaday in aaney noqonin arrinta ay isugu yimaadeen mid hadal uun ku ekaata balse ay ficil ku daraan, meel kasta oo ay joogaana beesha Qubeys.

Sidoo kale, waxaaa iyaguna halkaasi ka hadlay odayaal iyo nabadoono iyo culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Xaaji Cali Oorey, Muxumud Geeddi Cilmi, Macalin Muuse C/nuur Sheekh Cismaan, C/raxmaan Gaabow Max’ed, nabadoon Geescadde, Abshir Geeddi, Max’ed Cali Xaashi, Sheekh aadan Jimcaale Cali, Cusmaan Axmed Goome, Sheekh Muuse Ow-max’ed, Xaaji Axmed yare, nabadoon Bashiir Macalin Iley iyo xubno oo faro badan.

Gabadii kulankaasi waxaa lagu dhisay gudi la magac baxay gudiga hirgelinta shareecada islaamka ee Beedha Qubeys kaas oo isugu jira culum’udiin, Aqoon yahano iyo nabad doono gudigaas ayaaa howshiisiu noqon doontaa fulinta, dhaqaalaha iyo wada tashiga beesha waxayna magacyadooda kala yihiin:-

* 1-Sheekh Max’uud sheekh Ibraahim Suulay
* 2-Max’ed Cali Ooray
* 3-Max;’ed Axmed Max’ed (Xaaji dheere)
* 4-Dr.Xuseen Cabdi Cilmi
* 5-Isaaq Xaashi Jimcaale
* 6-Mux’ud Max’ed C/llahi (Caddaan)
* 7-Xuseen Geedi Jimcaale
* 8-Cabdi Nuur Sheekh Cismaan
* 9-Mux ‘ud Geedi Cilmi
* 10-Max’ed Cali Xaashi
* 11- Cismaan Axmed goome
* 12-Farxaan Cali Aadan
* 13-C/jamaal Axmed Ibraahim
* 14-Axmed Max’ed Xasan

waxaa kaloo jira xubno talo ku maqaan oo dib loo soo macaabi doono waxaana kulankani dhamaan dadkii ka hadlay isku raaceen wixii hada ka danbeeya Beesha gudaha iyo debada kuwo ku tiirsan wada tashi iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Guriga uu magaalada ka degan yahay Max’ed Axmed Muuse waxa uuna ku soo dhamaadaay doco is fahan.

W/D Amiin Yuusuf

Odayaasha beesha Qubeys oo baaq nabadeed u soo jeediyey dhigooda beesha Saleebaan December-16-2009 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Odayaasha beesha Qubeys oo baaq nabadeed u soo jeediyey dhigooda beesha Saleebaan

December-16-2009 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Muxumud Geedi Cilmi oo ka mida Odayaasha Beesha Qubeys ee magalada Muqdisho kala tirsan guurtida beelaha direed aya manta Baaq ku wajahan dagaalka halkaasi ka socda u direy dhigooda beesha Saleebaan.

Sida uu xaqiijiyey Nabdoon Muxumud Geedi Cilmi waxaa manta kulan iskugu yimid iskugu yimid dhamaan odayasha beesha Qubeys oo ay kaga hadlayeen sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Bacadweyne deegaanka hoosyimaada ee jiic Dheere oo shaley halkasi uu dagaal ka qarxey ila mantana socda.

1 waxaa ay codsadeen in sida ugu dhaqsiyo badan loo joojiyo dagalka dadka walaalaha ah u dhexeeya .

2 in ay kulan ka yeeshaan sidii xal iyo xabad jiijin loogu heli lahaa beelaha walaalaha ah ee Qubeys iyo Saleebaan oo colaadu dhextaal deeganka bacadweyne.

3 in arintaas meel marinteeda ay ka codsanayaan dhaman inta ay ka kooban yihiin beesha reer xaaji saleebaan sida Odayaasha, dhaqnka ,culumaa'u diinka, waxgaradka, Maamulka Ximan iyo Xeeb, dhalinyarada iyo intii ka qeybqaadan karata ee reer Xaaji saleebaan ah.

Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay in ay isla garateen in aan arintaas laga seexan si dhibatada aysan dadka walaala ah ugu keenin cawaaqib xun.

Arintan aya ku soo beegmeysa xili mudooyinii ugu danbeey ay colaado ka dhexjireen labadaan qabiilo oo isku haya dhul degaan ah iyo bero iskugu jira oo labadooda ku dhex jira isla markasna ay mudo boqolal sano ah wada deganaayeen.

E-mail: cowslafil@cowslafil.com

Aqoonyahanada beesha Qubeys (Surre-Dir) oo kulan ku yeeshay magaalada London



Wednesday, November 23, 2005

Aqoonyahanada beesha Qubeys (Surre-Dir) oo kulan ku yeeshay magaalada London
Taariikhdu markey aheyd 19/11/2005, waxaa magaalada London ee dalka Ingriiska kulan ku yeeshay qaar ka mid ah waxgradka beesha Qubeys.

Waxaa la aasaasay gole farsamo oo u adeega hey'ada British Qubeys Charity. Golahan oo ka shaqeyn doono horumarka arrimaha beesha iyo weliba isku xirka dadka beeshan ka soo jeeda ee ku dhaqan wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Fikrado ay gudigan u soo jeediyeen maamulka shabakada warsid ayaa ahaa:

Sidii loo horumarin lahaa qeybaha kala duwan ee shabakadan si ay u noqoto mid daboosha baahida loo qabo warfaafinta caalamka iyo dalkaba
Sidii loo dardargelin lahaa xiriirka guud iyo isku xirnaanshaha xubnaha beesha
In lagu soo daro shabakadan qeybaha kala ah:
Qeyb diineed oo ka hadleysa wacyi gelinta iyo tarbiyenta dhalinta soomaliyeed
Qeybo ganacsi iyo xayeesiin
Qeybo suugaanta afkeena hooyo
Iyo, qeybo warbixino "local" ah ee la xiriira arrimaha degaanada beesha

Xubnaha Golaha Farsamada ee B.Q.C.

Ugaas Cabdinaasir Ismaaciil Weedow (Gudoomiyaha B.Q.C.)
Cabdifataax Abshir Xareed (Gudoomiye-ku xigeenka B.Q.C)
Dr Siciid Xaaji Ibraahim Suuley (Arrimaha Diinta iyo Dhaqaalaha)
Dr Cali Cabdi Cumar Kaxar (Dhaqan gelinta iyo hogaaminta howlaha ururka)
Dr Cabdulqaadir Cali Aadan Foolgaabo (Arrimaha Caafimaadka)
Engineer Khaliif Axmed Maxamuud Mursal (Farsmada iyo Teknolojiyada)
Asad Cali Xareed (Xiriiriyaha Guud)
Engineer Cabdifataax Buuxe iyo Engineer Maxamed Cali Xareed oo qadka telefoonka kaga qeyb qaatay shirkan

Shir Weyn oo ay Yeesheen Beesha Suure Qubeys oo Ka Dhacay Dala Swedan.


Shir Weyn oo ay Yeesheen Beesha Qubeys oo Ka Dhacay Dala Swedan.
Thursday, 29 July 2010 11:09

Shirkan ka Dhacay Dalka Sweden ay Yeesheen Beesha Qubeys. oo ay ka soo qeyb galeen qeybo muhiim ah sida siyaasiyiinta, aqoonyahanka,haweenka, dhalinyarada iyo culumada diinta ee beesha qubeys ee wadanka Sweden. intii uu shirkaasi socday waxaa lagu lafa guray arimo badan oo ay ka mid yihiin mideynta, iskaashiga iyo wax wada qabsiga beesha sidoo kale waxaa laga wadahadlay joogteynta xiriirka jaaliyada qurbaha kala dhaxeeya bulsho weynta kale ee gudaha ee ku nool dhamaan deegaanada ay beeshu degto ee dalka Soomaaliy

intii shirweynuhu socday waxaa kaloo si toos ah shirka ugu qeyb qaadanaayey Jaaliyada beesha Qubeys ee wadanka Mareykanka oo ayagu uga qeyb galay habka teleconference taas oo ay aheyd ujeedadu kala warqaadashada xogta iyo warbixinada beesha ee ku wajahan dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta deegaanada ay beeshu degto iyo waliba ka qeyb galka dadaalka geedi socodka nabada ee dalkeenii hooyo. Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay dad magac iyo maamuus ku leh beelweynta direed oo iyaguna talo iyo tusaale walaalnimo ka dhiibtay intii uu shirku socday.

Shirkan oo aan Aheyn Kii ugu Horeeyay ee ay isugu Yimaadaan Beesha Qubeys Waxaana La Filayaa in Kulamo Kale oo looga Hadlayo Hurumarka Beesha in ay ku yeeshaan Jaaliyadaha Dibada ..







Xubnaha jaaliyada beesha Qubeys




1- Axmed Xirsi Jimcaale



2- Cali Cabdullaahi Koraaye


3- Maxamed Duqow Nuur


4- Cali Cabdi Axmed (Cali Baashi)


5- Assad Ugaas C/laahi Xaashi


6- C/risaaq Cismaan Xasan Diirshe


7- Shukri Cali Mursal


8- Ibraahim Cali Xuseen Fiqi


9- Maxamuud Yuusuf Dhoore


10- Cabdullahi Cali Siyaad


11- Yaasiin Maxamed Siciid


12- Cabdullahi Cali Mursal


13- Maxamed Xirsi Xuseen


14- Aweys Ibraahim


15- Drs. Hodan Maxamed Xaashi





Waxaa Daabacay .Cabdi Raxiin Caylaawe



Mataanyare3@hotmail.com

Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada beesha Suure qubeys ee UK | Print | Maqaallo

Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada beesha Suure qubeys ee UK | Print |
Maqaallo
Written by Dhaah.com
Tuesday, 01 June 2010 14:55
omar deeq.jpg - 36.29 KbShir ay isugu yimaadeen jaaliyadda beesha Qubeys ee wadanka Ingiriiska oo ka dhacay magaalada London...


may 31- 2010 Dhaah , London, UK .

Shir si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay oo ay isugu yimaadeen jaaliyadda wadankaan ingiriiska ee beesha Qubeys (Surre) ayaa Abbaarihii 4ta galabnimo maalintii axadda ahayd oo ku beegneyd May 31, 2010 ka dhacay magaalada london. .

jaaliyadda beesha Qubeys ee isugu timid madasha shirkaan ayaa run ahaantii waxaa shacuurtooda ka muuqatay waji furnaan iyo yididiilo aan qiyaas lahayn, taasoo muujinaysay sida ay maqsuud oga ahaayeen kulankoodaas.

Intaas ka dibna waxaa hadalka la wareegay Mr.Liibaan Cismaan Cosoble oo isagu ah Guddomiyaha jaaliayadda beesha Qubeys ee UK. isla markaana shir guddoominayay!.

Waxaa shir-guddoomiye Mr.Liibaan Cismaan Cosoble uu halkaas ka soo jeediyay hadal dheer oo baraarujin iyo dhiiri gelin ah isagoo dhammaan jaaliyadda qurba joogta ah ee beesha qubeys ee UK ka codsadey in qof walba looga baahan yahay inuu muujiyo kaalinta kaga aaddan Danta caamka ah ee aan maanta halkaan isugu nimid, sidaa awgeed ayaa loo baahan yahay in qof walba uu isagu is-xilqaamo oo uu huro hiil iyo hoobba kaalinta kaga aadan hawshaan, markaas waxaan qabaa inaynu gaari karno hadafka ama yoolka aynu hiigsanayno ayuu guddoomiye Liibaan Cismaan Ku nuux-nuuxsaday.

Guud ahaan ujeeddada iyo nuxurka loo qabtay shirkaan oo ahaa sidii loo hurumarin lahaa beesha qubeys ee gudaha iyo dibaddaba ka sakoow ayaa waxaa la oran karaa haddana waxaa shirkaan si khaas ah looga golahaa laba ujeeddo oo aad u waaweyn kuwaasoo kala ah.

1).waxay beeshu isku raaceen in maamulka uu madaxda ka yahay Guddomiye Liibaan Cismaan Cosoble uu yahay mamulka kaliya ee ka jira waddanka ingriiska .

2). In aanay beeshu u dulqaadan doonin cidii dano khaas ah u isticmaasha magaca beesha QUBEYS.

Sidoo kale waxaan kula talinaynaa shakhsiyaad ka tirsan Beesha qubeys ee ku dhex jira marin habaabinta iyo jahawareerka in ay arrintaas faraha kala baxaan, una jeestaan midaynta iyo wax u qabadka beesha,in aan ilaahey ka cabsano, oo aanan dano gaar ahaaneed iyo shakhsi jaceyl aanan u burburin masalxadda guud ee beesha QUBEYS.

Mohamed Ahmed Hussein (Culusow)

Xafiiska dhaah media network London, UK.

dhaah@hotmail.com

Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka Beesha Suure Qubeys Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

.
Sunday, September 11th, 2011 | Posted by osmaan
Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka Beesha Qubeys Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka beesha qubeys magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen culomo u diin, siyaasiyeen, cuqaal,aqoon yahano iyo wax garadka beesha. Shirkaas oo looga arin sanayey dhibaatooyinka hada kataagan somaaliya ,gaar ahaan abaaraha daba dheeraaday eek u dhiftay geeska afrika, khaasatan somaliya.

Sidoo kale waxay ka hadleen shaqaaqooyin ka dhacay deegaanka Miirjiiclay,halkaa soo

xasuuq loogu gaystay culumaa u diin kasoo jeeda Beesha Qubeys kuwaa soo isku xilsaaray in ay dhex dhexaadiyaan muran ka dhex dhacay labada beelood ee ka soo kala jeeda Mirjiiclay iyo Dhuuso mareeb, kana bilowday warbiyood ku taala deegaan kaas.

Shirkaas oo ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo ay ka midyihiin sida hoos ku xusan:-



1. in wada hadal lagu dhameeyo dhibaatadii ka dhacday deegaankaas.
2. in shareecada islaamka lala tiigsado shaqsiyaad kii xasuuqa gaystay.
3. Waxay sidoo kale dhaleecayn kulul usoo jeediyeen dadkii xasuuqa u gaystay culumo u diinkii ka shaqayeynayey masaalaxada labada dhinac.
4. Waxay kaloo dhalil u soo jeediyeen waxgaradii ay ka soo jeeden shaqsiyaadkii xasuuqa gaystay ku waa soo wax jawaaba ka bixin dhibaatadii mesha ka dhacday.



Waxaa kaloo shirkaas lagu casuumay urur waynaha SOYAAL, ku wasoo iyaguna ku baqay in wax walba nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo,sabab too ah colaad hor leh maantay umada somaaliyeed uma bahna mel kasta oo ay jogaan, 21 sano kadib oo umada soomaaliyeed ay ku dhex jireen colaad iyo burbur tasoo saamaysay dhamaan bulshada soomaaliyeed.

Short URL: http://soyaal.com/?p=959
Posted by osmaan on Sep 11 2011. Filed under dalka, WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackba

Afhayeenka Beesha Qubeys Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey RBC Radio (Dhageyso)

Afhayeenka Beesha Qubeys Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey RBC Radio (Dhageyso)



Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com

Gaalkacyo (RBC Radio):- Afhayeenka mid ka mid ah beelaha dagaalku ku dhexmarayo deegaanka Bacaadweyne ayaa RBC Radio, uga warbixiyey xaaladaha deegaanka iyo dagaalada halkaasi ka dhacay.

Afhayeenka Beesha Qubeys Cali Shiikh Yuusuf ayaa sheegay in deegaanka Bacaadweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay ay deganeyd oo aysan ka dhicin wax dagaal ah, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan baaqyo nabadeed oo ka soo gaaraya maamulada kala duwan ee dalka ka jira, kuwaasi oo lagu dalbanayo in la joojiyo colaada ka socota Bacaadweyne iyo deegaanada ku geedaaman ee koonfurta gobolka Mudug.

Waxaa uu Afhayeenku sheegay in dagaaladani ay soo cusboonaadeen bishan kowdeedii, kuwaasi oo ka kala dhacay deegaano miyi ah iyo deegaanka Bacaadweyne, waxayna geysteen sida uu sheegay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana waxaa uu ku sheegay in ay yihiin dagaaladu kuwa soo noq noqday.

 AMAÂ

Afhayeenku mar uu ka hadlayey waan waan laga dhex wadey labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo oo la sheegay inuu fashilmey, waxaa uu sheegay in dhinacood uusan aheyn halka uu ka yimid fashilka, balse dhinaca beesha kale uu ka socon waayey.

Mar uu ka hadlayey Afhayeenka Beesha Qubeys deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa uu ku sifeeyay deegaanadaasi in ay yihiin kuwa ay degan yihiin beesha Qubeys, isla markaana cid waliba oo Soomaali ahna ogtahay, cida gardaran ee dagaalka qaadey sida uu hadalka u dhigay.

Cali Shiikh Yuusuf waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka Bacaadweyne ay ka cabanayaan in maamulka Ximin iyo Xeeb uu ka qeyb qaatey dagaalka oo ay dhaleeceynayaan.

Ugu dambeyn Afhayeenka Beesha Qubey isaga oo ka hadlaya xalka ugu dambeeya waxaa uu sheegay in ay ogol yihiin dhinacooda wax walba oo xal ah oo lagu qaboojin karo colaada ka soconeysa deegaanka Bacaadweyne.

RBC Radio.

Blog Archive