Tuesday, September 13, 2011

Afhayeenka Beesha Qubeys Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey RBC Radio (Dhageyso)

Afhayeenka Beesha Qubeys Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey RBC Radio (Dhageyso)



Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com

Gaalkacyo (RBC Radio):- Afhayeenka mid ka mid ah beelaha dagaalku ku dhexmarayo deegaanka Bacaadweyne ayaa RBC Radio, uga warbixiyey xaaladaha deegaanka iyo dagaalada halkaasi ka dhacay.

Afhayeenka Beesha Qubeys Cali Shiikh Yuusuf ayaa sheegay in deegaanka Bacaadweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay ay deganeyd oo aysan ka dhicin wax dagaal ah, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan baaqyo nabadeed oo ka soo gaaraya maamulada kala duwan ee dalka ka jira, kuwaasi oo lagu dalbanayo in la joojiyo colaada ka socota Bacaadweyne iyo deegaanada ku geedaaman ee koonfurta gobolka Mudug.

Waxaa uu Afhayeenku sheegay in dagaaladani ay soo cusboonaadeen bishan kowdeedii, kuwaasi oo ka kala dhacay deegaano miyi ah iyo deegaanka Bacaadweyne, waxayna geysteen sida uu sheegay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana waxaa uu ku sheegay in ay yihiin dagaaladu kuwa soo noq noqday.

 AMAÂ

Afhayeenku mar uu ka hadlayey waan waan laga dhex wadey labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo oo la sheegay inuu fashilmey, waxaa uu sheegay in dhinacood uusan aheyn halka uu ka yimid fashilka, balse dhinaca beesha kale uu ka socon waayey.

Mar uu ka hadlayey Afhayeenka Beesha Qubeys deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa uu ku sifeeyay deegaanadaasi in ay yihiin kuwa ay degan yihiin beesha Qubeys, isla markaana cid waliba oo Soomaali ahna ogtahay, cida gardaran ee dagaalka qaadey sida uu hadalka u dhigay.

Cali Shiikh Yuusuf waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka Bacaadweyne ay ka cabanayaan in maamulka Ximin iyo Xeeb uu ka qeyb qaatey dagaalka oo ay dhaleeceynayaan.

Ugu dambeyn Afhayeenka Beesha Qubey isaga oo ka hadlaya xalka ugu dambeeya waxaa uu sheegay in ay ogol yihiin dhinacooda wax walba oo xal ah oo lagu qaboojin karo colaada ka soconeysa deegaanka Bacaadweyne.

RBC Radio.

No comments:

Blog Archive