Tuesday, September 13, 2011

Aqoonyahanada beesha Qubeys (Surre-Dir) oo kulan ku yeeshay magaalada London



Wednesday, November 23, 2005

Aqoonyahanada beesha Qubeys (Surre-Dir) oo kulan ku yeeshay magaalada London
Taariikhdu markey aheyd 19/11/2005, waxaa magaalada London ee dalka Ingriiska kulan ku yeeshay qaar ka mid ah waxgradka beesha Qubeys.

Waxaa la aasaasay gole farsamo oo u adeega hey'ada British Qubeys Charity. Golahan oo ka shaqeyn doono horumarka arrimaha beesha iyo weliba isku xirka dadka beeshan ka soo jeeda ee ku dhaqan wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Fikrado ay gudigan u soo jeediyeen maamulka shabakada warsid ayaa ahaa:

Sidii loo horumarin lahaa qeybaha kala duwan ee shabakadan si ay u noqoto mid daboosha baahida loo qabo warfaafinta caalamka iyo dalkaba
Sidii loo dardargelin lahaa xiriirka guud iyo isku xirnaanshaha xubnaha beesha
In lagu soo daro shabakadan qeybaha kala ah:
Qeyb diineed oo ka hadleysa wacyi gelinta iyo tarbiyenta dhalinta soomaliyeed
Qeybo ganacsi iyo xayeesiin
Qeybo suugaanta afkeena hooyo
Iyo, qeybo warbixino "local" ah ee la xiriira arrimaha degaanada beesha

Xubnaha Golaha Farsamada ee B.Q.C.

Ugaas Cabdinaasir Ismaaciil Weedow (Gudoomiyaha B.Q.C.)
Cabdifataax Abshir Xareed (Gudoomiye-ku xigeenka B.Q.C)
Dr Siciid Xaaji Ibraahim Suuley (Arrimaha Diinta iyo Dhaqaalaha)
Dr Cali Cabdi Cumar Kaxar (Dhaqan gelinta iyo hogaaminta howlaha ururka)
Dr Cabdulqaadir Cali Aadan Foolgaabo (Arrimaha Caafimaadka)
Engineer Khaliif Axmed Maxamuud Mursal (Farsmada iyo Teknolojiyada)
Asad Cali Xareed (Xiriiriyaha Guud)
Engineer Cabdifataax Buuxe iyo Engineer Maxamed Cali Xareed oo qadka telefoonka kaga qeyb qaatay shirkan

No comments:

Blog Archive