Tuesday, September 13, 2011

Dec 9, 2006. Beesha Qubeys oo heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka

Dec 9, 2006.
Beesha Qubeys oo heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka

Waxaa maalintii shalay kulan balaar ku yeeshay magalada Muqdisho Qeybaha ay ka koobantahay beesha Qubeys oo ay kaga wada hadlayeen Waxyaabo ay ugu horeyso in si isku mida loo qaato ku dhaqanka shereecada Islaamka

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay dad ay ka mid ahaayeen, nabadoon xuseen Geeddi Jimcaale oo yiri “Maanta wixii ka dambeeya waxaan ILLAHEY hortis taageereynaa islaamka sidaas ayaana ku midownay qeyb kasta oo inaga mid ah” ayuu yiri nabadoonka.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee golaha maxkamadaha Sheekh Ibraahim Maxamuud Suuley oo ku furay aayado quraan ah iyo wacdi uu u jeedinayo ka soo qeyb galayaashii shirka beesha, wuxuuna dhinaca kale, si aad ah uga codsaday in aaney noqonin arrinta ay isugu yimaadeen mid hadal uun ku ekaata balse ay ficil ku daraan, meel kasta oo ay joogaana beesha Qubeys.

Sidoo kale, waxaaa iyaguna halkaasi ka hadlay odayaal iyo nabadoono iyo culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Xaaji Cali Oorey, Muxumud Geeddi Cilmi, Macalin Muuse C/nuur Sheekh Cismaan, C/raxmaan Gaabow Max’ed, nabadoon Geescadde, Abshir Geeddi, Max’ed Cali Xaashi, Sheekh aadan Jimcaale Cali, Cusmaan Axmed Goome, Sheekh Muuse Ow-max’ed, Xaaji Axmed yare, nabadoon Bashiir Macalin Iley iyo xubno oo faro badan.

Gabadii kulankaasi waxaa lagu dhisay gudi la magac baxay gudiga hirgelinta shareecada islaamka ee Beedha Qubeys kaas oo isugu jira culum’udiin, Aqoon yahano iyo nabad doono gudigaas ayaaa howshiisiu noqon doontaa fulinta, dhaqaalaha iyo wada tashiga beesha waxayna magacyadooda kala yihiin:-

* 1-Sheekh Max’uud sheekh Ibraahim Suulay
* 2-Max’ed Cali Ooray
* 3-Max;’ed Axmed Max’ed (Xaaji dheere)
* 4-Dr.Xuseen Cabdi Cilmi
* 5-Isaaq Xaashi Jimcaale
* 6-Mux’ud Max’ed C/llahi (Caddaan)
* 7-Xuseen Geedi Jimcaale
* 8-Cabdi Nuur Sheekh Cismaan
* 9-Mux ‘ud Geedi Cilmi
* 10-Max’ed Cali Xaashi
* 11- Cismaan Axmed goome
* 12-Farxaan Cali Aadan
* 13-C/jamaal Axmed Ibraahim
* 14-Axmed Max’ed Xasan

waxaa kaloo jira xubno talo ku maqaan oo dib loo soo macaabi doono waxaana kulankani dhamaan dadkii ka hadlay isku raaceen wixii hada ka danbeeya Beesha gudaha iyo debada kuwo ku tiirsan wada tashi iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Guriga uu magaalada ka degan yahay Max’ed Axmed Muuse waxa uuna ku soo dhamaadaay doco is fahan.

W/D Amiin Yuusuf

No comments:

Blog Archive