Tuesday, September 13, 2011

Shir Weyn oo ay Yeesheen Beesha Suure Qubeys oo Ka Dhacay Dala Swedan.


Shir Weyn oo ay Yeesheen Beesha Qubeys oo Ka Dhacay Dala Swedan.
Thursday, 29 July 2010 11:09

Shirkan ka Dhacay Dalka Sweden ay Yeesheen Beesha Qubeys. oo ay ka soo qeyb galeen qeybo muhiim ah sida siyaasiyiinta, aqoonyahanka,haweenka, dhalinyarada iyo culumada diinta ee beesha qubeys ee wadanka Sweden. intii uu shirkaasi socday waxaa lagu lafa guray arimo badan oo ay ka mid yihiin mideynta, iskaashiga iyo wax wada qabsiga beesha sidoo kale waxaa laga wadahadlay joogteynta xiriirka jaaliyada qurbaha kala dhaxeeya bulsho weynta kale ee gudaha ee ku nool dhamaan deegaanada ay beeshu degto ee dalka Soomaaliy

intii shirweynuhu socday waxaa kaloo si toos ah shirka ugu qeyb qaadanaayey Jaaliyada beesha Qubeys ee wadanka Mareykanka oo ayagu uga qeyb galay habka teleconference taas oo ay aheyd ujeedadu kala warqaadashada xogta iyo warbixinada beesha ee ku wajahan dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta deegaanada ay beeshu degto iyo waliba ka qeyb galka dadaalka geedi socodka nabada ee dalkeenii hooyo. Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay dad magac iyo maamuus ku leh beelweynta direed oo iyaguna talo iyo tusaale walaalnimo ka dhiibtay intii uu shirku socday.

Shirkan oo aan Aheyn Kii ugu Horeeyay ee ay isugu Yimaadaan Beesha Qubeys Waxaana La Filayaa in Kulamo Kale oo looga Hadlayo Hurumarka Beesha in ay ku yeeshaan Jaaliyadaha Dibada ..







Xubnaha jaaliyada beesha Qubeys




1- Axmed Xirsi Jimcaale



2- Cali Cabdullaahi Koraaye


3- Maxamed Duqow Nuur


4- Cali Cabdi Axmed (Cali Baashi)


5- Assad Ugaas C/laahi Xaashi


6- C/risaaq Cismaan Xasan Diirshe


7- Shukri Cali Mursal


8- Ibraahim Cali Xuseen Fiqi


9- Maxamuud Yuusuf Dhoore


10- Cabdullahi Cali Siyaad


11- Yaasiin Maxamed Siciid


12- Cabdullahi Cali Mursal


13- Maxamed Xirsi Xuseen


14- Aweys Ibraahim


15- Drs. Hodan Maxamed Xaashi





Waxaa Daabacay .Cabdi Raxiin Caylaawe



Mataanyare3@hotmail.com

No comments:

Blog Archive