Tuesday, September 13, 2011

Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada beesha Suure qubeys ee UK | Print | Maqaallo

Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada beesha Suure qubeys ee UK | Print |
Maqaallo
Written by Dhaah.com
Tuesday, 01 June 2010 14:55
omar deeq.jpg - 36.29 KbShir ay isugu yimaadeen jaaliyadda beesha Qubeys ee wadanka Ingiriiska oo ka dhacay magaalada London...


may 31- 2010 Dhaah , London, UK .

Shir si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay oo ay isugu yimaadeen jaaliyadda wadankaan ingiriiska ee beesha Qubeys (Surre) ayaa Abbaarihii 4ta galabnimo maalintii axadda ahayd oo ku beegneyd May 31, 2010 ka dhacay magaalada london. .

jaaliyadda beesha Qubeys ee isugu timid madasha shirkaan ayaa run ahaantii waxaa shacuurtooda ka muuqatay waji furnaan iyo yididiilo aan qiyaas lahayn, taasoo muujinaysay sida ay maqsuud oga ahaayeen kulankoodaas.

Intaas ka dibna waxaa hadalka la wareegay Mr.Liibaan Cismaan Cosoble oo isagu ah Guddomiyaha jaaliayadda beesha Qubeys ee UK. isla markaana shir guddoominayay!.

Waxaa shir-guddoomiye Mr.Liibaan Cismaan Cosoble uu halkaas ka soo jeediyay hadal dheer oo baraarujin iyo dhiiri gelin ah isagoo dhammaan jaaliyadda qurba joogta ah ee beesha qubeys ee UK ka codsadey in qof walba looga baahan yahay inuu muujiyo kaalinta kaga aaddan Danta caamka ah ee aan maanta halkaan isugu nimid, sidaa awgeed ayaa loo baahan yahay in qof walba uu isagu is-xilqaamo oo uu huro hiil iyo hoobba kaalinta kaga aadan hawshaan, markaas waxaan qabaa inaynu gaari karno hadafka ama yoolka aynu hiigsanayno ayuu guddoomiye Liibaan Cismaan Ku nuux-nuuxsaday.

Guud ahaan ujeeddada iyo nuxurka loo qabtay shirkaan oo ahaa sidii loo hurumarin lahaa beesha qubeys ee gudaha iyo dibaddaba ka sakoow ayaa waxaa la oran karaa haddana waxaa shirkaan si khaas ah looga golahaa laba ujeeddo oo aad u waaweyn kuwaasoo kala ah.

1).waxay beeshu isku raaceen in maamulka uu madaxda ka yahay Guddomiye Liibaan Cismaan Cosoble uu yahay mamulka kaliya ee ka jira waddanka ingriiska .

2). In aanay beeshu u dulqaadan doonin cidii dano khaas ah u isticmaasha magaca beesha QUBEYS.

Sidoo kale waxaan kula talinaynaa shakhsiyaad ka tirsan Beesha qubeys ee ku dhex jira marin habaabinta iyo jahawareerka in ay arrintaas faraha kala baxaan, una jeestaan midaynta iyo wax u qabadka beesha,in aan ilaahey ka cabsano, oo aanan dano gaar ahaaneed iyo shakhsi jaceyl aanan u burburin masalxadda guud ee beesha QUBEYS.

Mohamed Ahmed Hussein (Culusow)

Xafiiska dhaah media network London, UK.

dhaah@hotmail.com

No comments:

Blog Archive