Tuesday, September 13, 2011

Odayaasha beesha Qubeys oo baaq nabadeed u soo jeediyey dhigooda beesha Saleebaan December-16-2009 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Odayaasha beesha Qubeys oo baaq nabadeed u soo jeediyey dhigooda beesha Saleebaan

December-16-2009 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Muxumud Geedi Cilmi oo ka mida Odayaasha Beesha Qubeys ee magalada Muqdisho kala tirsan guurtida beelaha direed aya manta Baaq ku wajahan dagaalka halkaasi ka socda u direy dhigooda beesha Saleebaan.

Sida uu xaqiijiyey Nabdoon Muxumud Geedi Cilmi waxaa manta kulan iskugu yimid iskugu yimid dhamaan odayasha beesha Qubeys oo ay kaga hadlayeen sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Bacadweyne deegaanka hoosyimaada ee jiic Dheere oo shaley halkasi uu dagaal ka qarxey ila mantana socda.

1 waxaa ay codsadeen in sida ugu dhaqsiyo badan loo joojiyo dagalka dadka walaalaha ah u dhexeeya .

2 in ay kulan ka yeeshaan sidii xal iyo xabad jiijin loogu heli lahaa beelaha walaalaha ah ee Qubeys iyo Saleebaan oo colaadu dhextaal deeganka bacadweyne.

3 in arintaas meel marinteeda ay ka codsanayaan dhaman inta ay ka kooban yihiin beesha reer xaaji saleebaan sida Odayaasha, dhaqnka ,culumaa'u diinka, waxgaradka, Maamulka Ximan iyo Xeeb, dhalinyarada iyo intii ka qeybqaadan karata ee reer Xaaji saleebaan ah.

Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay in ay isla garateen in aan arintaas laga seexan si dhibatada aysan dadka walaala ah ugu keenin cawaaqib xun.

Arintan aya ku soo beegmeysa xili mudooyinii ugu danbeey ay colaado ka dhexjireen labadaan qabiilo oo isku haya dhul degaan ah iyo bero iskugu jira oo labadooda ku dhex jira isla markasna ay mudo boqolal sano ah wada deganaayeen.

E-mail: cowslafil@cowslafil.com

No comments:

Blog Archive