Thursday, August 23, 2012

Beesha Biimaal oo ka soo horjeesaday qaabka loo xulayo xildhibaanada cusub, sheegtayna

Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho shalay ku yeesheen Siyaasiyiin, Culimaa’udiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Odayaal dhaqameedyo, Haween, dhalinyaro iyo xubno kale oo ka tirsan beesha Biimaal ayaa waxay uga hadkeen xaaladda kala guurka ah ee dalka, ansixintii dastuurka cusub ee Soomaaliya, soo xulista xildhibaanada cusub ee ka midka noqonaya Baarlamaanka soo socda iyo cadaalad darro iyo musuqmaasuq ay sheegeen inay ka dhexjirto beeshooda dhexdeeda.
Warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray oo uu warbaahinya u aqriyey Ugaas Yacquub Ugaas Cabdi Yacquub ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, gaar ahaan tirada beeshooda ku soo aaday oo uu sheegay in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay ku sameeyeen musuqmaasuq iyo wax isdabamarin, isla markaasna sameeyay ku shubasho dhammaan xilalkii ay beeshu laheyd oo dhan.
“Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Guddiga xallinta khilaafaadka, dhaqanka Soomaaliyeed, Guddiga farsamada ee xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, Isbaheysiga IFISO iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxaan u sheegaynaa waxaan u sheegaynaa in beesha Biimaal aysan ku mideysnayn xubnaha xubnaha ugu jira qeybaha dhaqanka ee 3-da xubnood iyo xildhibaanada la gudbiyey ee 7-da xubnood ah, taas oo ka fog dhaqan ahaan sida uu Biimaal wax u qeybsan jiray, in saami qeybsiga beesha Biimaal dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan uu yahay UDUB IYO AFAAF, asal ahaan beesha Biimaal waxau lahaan jireen labo duubab dhaqan soo jireen ah waxayna kala ahaayeen Suldaan Cabdi Keerow C/lle iyo Suldaan C/raxmaan Cali Ciise oo kala metelayey UDUB IYO AFAAF” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyntii warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Dacwadda beesha Biimaal waxay soo jiitameysay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrinkaasina waxaan kala hadalnay Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Shariif Xasan, labadaasi mas’uul waxay garwaaqsadeen una danqadeen dacwadeena oo fajac iyo amakaag ku noqotay, waxayna naga qoreen duubkii meteli lahaa AFAAF kaas oo ah wakiil Abaroone Maxamed Sheekh Cabdi, waxaana xusid mudan in 7-Xildhibaan oo ay beesha Biimaal heshay ay dhammaantood wada-qaateen UDUB oo sameeyay sadbursi dhanka beesha dhexdeeda ah”.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=10931

No comments:

Blog Archive