Dhawaan waxaa lagu wadaadaa in uu ku furmo xarunta gadiidka booliiska ee Magaalada muqdisho anisixidii qabya qoraalka ee looga fadhiyo in ay ansixiyaan ku dhawaad 825 oo ka mid ah odayaasha dhaqanka oo laga kala keeni doono Goboladda Dalka oo dhan, lakiin sida uu sheegay Ugaas Axmed Ugaas Sid Cali Ugaas Xuseen oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Rasmiga ah ee Beesha Biimaal in uu dareemay in uu ka jiro xafiiska ra’isulwasaaraha is bar baryaac u dhexeeya ugaasyada dhabta ah ee beesha Biimaal iyo ugaasyo macmil ah oo uu ku tilmaamay kuwo gardaro oo ay hoosta ka wadaan xildhibaan iyo wasiir uu ku shegay in ay ka soo horjedaan Ugaasyada dhaqanka ee beesha aqoonsan tahay kuwaas oo kala ah
1. Ugaas Axmed Ugaas Sid Cali Ugaas Xuseen
2. Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali
3. Iyo Ugaas Faarax Cabdi Shiikh
Arintaasi Ugaas Axmed waxa uu ku tilmaamay mid dhawaceysa dhaqanka soo jireenka ah hadii sida ay wadaan mas’uuliyiintaasi ay hirgasho, waxa uuna ka digay Ugaaska in laga fiirsado sheegashada aan saxda eheen ee Ugaasyada Macmilka ee gar darada la soo taagan, tanta laga leeyahayna waxa ay tahay in xildhibaanka iyo wasiirka ka danbeeya ay dib ugu soo laabtaan xilalka ay hada hayaan “waa cabsi fuleynimo ah, 8 sano ayay xildhibaano iyo wasiiro ahayeen, ma wax la dhihi karaa markaasi waa xubnaya joogtada ah ee aan dhicin” ayuu si kulul u yiri Ugaas Axmed Ugaas Sid oo la hadlayay Saxaafadda Isagoo ku suganaa Xafiis uu ku leeyahay ka soo horjeedka Hotel Anbaasadoor.
Arinta sidaan oo kale ah, waxaa la dhihi karaa waa m id ay labaasi mas’uul ku doonayaan in ay ku tirtiraan habka soo jireenka ah ee dhaqanka soomaaliyeed una rogaan mid fuleynimo ah oo sal iyo raad midna aan ku leheen Beesha Biimaal “ bishaan 17-dii, iyo 18-dii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha u kala gudbinaya Magacyada hogaanka dhaqanka ee Beeehsa, taas micneheeda waxa ay tahay in ay yihiin xubnaha dhabta ah ee meteesha Biyo maal, madalug, bajamaal, reeer ay said iyio wardey, kuwaan ayaa xaq ah cid kalana ma sheegan karto ayuu yiri Ugaashka Beesha Biimaal
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
-
▼
2012
(418)
-
▼
August
(72)
-
▼
Aug 23
(14)
- Dhageyso: Xasan Dahir Oo Aflagaadeeyay Beesha Isaa...
- Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Gu...
- "UHU" URURKA HORUMARINTA UDUBLAND. Sawiro Naxdin L...
- Hagardaamo Beeleed Oo Loo Degey Beelaha Shabeellad...
- Prof Abdullahi Sheikh Ismaciil Oo u Turjamayo Xild...
- BBC----Boqortoyadii Bimaal Video Dagaaladii Dhex M...
- People Profile The Gosha (Shambara)
- Beesha Biimaal oo ka soo horjeesaday qaabka loo xu...
- Biimaal : Ugaas Axmed Ugaas Sid Cali : kuwa la so...
- Jaaliyadda beesha Biimaal ee dalka Holland oo kula...
- Qoraal u soo saaray Suldaanka Beesha Biimaal Mogad...
- Beesha Biyamaal oo sheegtay inay taageersantahay m...
- Biimal Sawiro: Biyomaal Dir Pictures
- taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban
-
▼
Aug 23
(14)
-
▼
August
(72)
No comments:
Post a Comment