Thursday, August 23, 2012

Jaaliyadda beesha Biimaal ee dalka Holland oo kulan ku yeeshay magaalada Eindhoven

Jaaliyadda beesha Biimaal ee dalka Holland oo kulan ku yeeshay magaalada Eindhoven

Filed under: Sports,Wararka Somalia |
Shir si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha jaaliyada beesha Biimaal ee dalka Holland ayaa ka dhacay magaalada Eindhoven ee dalka Nederland.
Shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen madaxda jaaliyada beesha Biimaal ee dalka Holland, aqoonyahano iyo haween ayaa waxa ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada beesha Biimaal ee dalka Holland mudane Ismaaciil Maxamed Cusmaan (Ismaaciil Bangaari) iyo gudoomiye ku xigeenka jaaliyada mudane Abukar Cali Nuur(adeerow).
Shirkaas ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirnaashaha iyo isku duubnida xubnaha jaaliyada beesha Biimaal ee ku nool magaalooyinka lala duwan ee dalka Holland iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanada ay degto beesha ee gobolada Shabeelada Hoose iyo Jubbada Hoose.
a waxa ay ka doodeen qaabka ugu wanaagsan ee ay uga qeybqaadan lahaayeen baadigoobka iyo sidii loo siideyn lahaa marwo Faadumo Suldaan C/raxmaan Cali Ciise(Faadumo Xaajow) iyo shaqaalaha hayadda WFL oo laba sanadood ka hor 30/6/2008 laga afduubtay duleedka magaalada Muqdisho ilaa iyo haddana aan la garaneyn meel ay ku dambeyaan.
Gudoomiyaha jaaliyada beesha Biimaal ee dalka Holland mudane Ismaciil Maxamed Cusmaan( Ismaaciil Bangaari) oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in afuubka loo geystay marwo Faadumo Suldaan Cabdiraxmaan iyo maqnaashaha ay ka maqantahay ehelkeeda iyo ururkii ay u shaqeyneysay ee WFL ay tahay arin aad looga murogoodo sababtuna ay tahay in marwo Faadumo ay ahayd qof samafale ah oo ka shaqeeysa u gargaarida iyo samatabixinta caruurta iyo haweenka oo ah labada qeybood ee ugu liita bulsho walba gaar ahaan bulshada Soomaliyeed ee ay aafeeyeen dagaalo iyo cuduro faraaqa ay ka tagtayna aan si sahal ah loo buuxin karin.
Mudane Ismaaciil Bangaari ayaa baaq u diray guud ahaan bulshada Soomaliyeed iyo cid alla cidii wax ka og meel ay ku dambeyso in ay la soo xiriiraan eheladeeda ama odayaasha beesha Biimaal ee ku sugan gudaha dalka Soomaliya ama dibadiisaba, isagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin ay la xaajoodaan qolada afduubka u heysta Faadumo Xaajow.
Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay mudane Abukar Cali Nuur(adeerow) gudoomiye ku xigeenka jaaliyadda beesha Biimaal ee dalka Holland oo la soo shaqeeyay marwo Faadumo Xaajow, isagoo ku dheeraaday taariikhdeeda iyo sida ugu go’neyd in ay dhibaatada ka saarto caruurta iyo haweenka gobolka Shabeelada Hoose, isagoo sheegay in Marwo Faadumo Xaajow ay ka dooratay in ay ku noolaato Dalka Taliyaaniga in ay la cunteyso ayna farxad ku beerto qalbiyada caruurta ku nool xerada Ayuub ee magaalada Marka ee ku waayey waalidkooda dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya.
Mudane Abuukar Adeerow oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri ”run ahaantii marwo Faadumo Xaajow iyo hayadda ay madaxda u ahayd ee WFL waxa uu hadafdooda ahaa sidii wax loo bari lahaa, loona badbaadin lahaa caruurta oo ah mustabalka umad walba iyo madaxda mustaqlka ee dalkeen iyagoo aan loo eegeyn heyb qabiil iyo astaamo kale, wax lug ahna kuma lahayn siyaasada”.
Mudane Abuukar Adeerow ayaa sidoo kale sheegtay in kulan kan ka balaaran oo ay ka soo qeybgalaan madaxda jaaliyadaha Beesha Biimaal ee dalalka Yurub ay ku qaban doonaan dalka Holland inshaallah.
Drs. Kiin Cali Muumin oo ka mid aha qaban qaabiyaashii kulankaas, ahna xoghaya guud ee jaaliyada beesha Biimaal ee dalka Holland ayaa sheegtay in mudo sanad ah ka hor ay bilaabeen xubnaha jaaliyada beesha Biimaal ee ku sugan dalka holland olole ay uga gol lahaayeen in lagu baadigoobo laguna siidaayo marwo Faadumo Xaajow, iyadoo intaas ku dartay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen arintaas ayna xiriiro badan sameeyeen laakiin nasiib daro ilaa iyo hadda aysan ku guuleysan in ay helaan xog buuxda oo ku saabsan halka ay ku dambeyso marwo Faadumo ayna sii wadi doonaan dadaalkooda.
Drs. Kiin Cali Mumin oo baaq u diraysa qolyaha afuubka ku heysta marwo Faadumo Xaajow ayaa tiri “ walaalayaal mid walba oo idin ka mid ah waxa uu leeyahay Hooyo ama ehel uu aad u jecel yahay… midkiina ma jecla in hooyadiis ama qof ka mid ah qoyskiisa oo Subaxii guriga ka tagtay uu dib dambe indhihiisa u saarin, uuna garaneyn in uu dhintay ama in uu noolyahay, haddaba caruurta xerada Ayuub iyo ehelada marwo Faadumo Xaajow waxa ay la murugeysan yihiin xaaladeeda, waxa ayna jecelyihiin in ay dib u arkaan.. ee fadlan sii daaya”.
xubnihii jaaliyadda Beesha Biimaal ee ka soo qeybgalay kulankaas waxaa ka mid ah mudane Xasan Macalim Maxamed (Xasan Tubaako), Safiya Cumar Yarow, marwo Khadiijo Saalax Xaaji Guuleed, Mudane Maxamed Nuur Macalin Garweyne, iyo Maxamed Nuur Macalin.
Cabdulle Cali

No comments:

Blog Archive