Thursday, August 23, 2012

"UHU" URURKA HORUMARINTA UDUBLAND. Sawiro Naxdin Leh Meeydkii Geesi Geesdiir ( Bimaal)


BAYAAN CAD OO AY SI WADA JIR AH USOO SAAREEN "UHU" URURKA HORUMARINTA UDUBLAND.



Anigoo ku hadlaya magaca “UHU” Uruka Horumarinta Udubland, waxaan aad iyo aad u cambaareynayaa shirqoolka ay soo maleegayaan dadkii, dalka ka galay dambiyada qaran. Waxaan dowladda Somaaliya ka codsaneynaa in ay arinkaan dib ay u eegto, waxey ka dhigantahay gobolka shabeelada hoose oo cadaalad helaa oo shacabkiisuna raali ay ka yihiin, waxey lamid tahay Soomaaliya dhan oo cadaalad heshay. Waan la soconaa ciidamada dowlada, waxaa lasocdo ciidamo kala,oo gaar ah oo aan ka amar qaadan taliska dowlada. Kuwaas oo ay gaar u wataan niman dhiigyo cab ah oo dalku ka xasili waayay, waxaa ka mid ah C/qaadir Nur oo mar ahaa Godoomiyaha Gobolka shabeelada hoose xiligii marxuum C/yuusuf iyo rag kaloo kasoo jeeda beesha C/qaasin oo xili wadanka uu ka ahaa mid ka mid ah madaxweynayaashii ku meel gaar ahaa ee dalka soo maray oo hadana weliba arintaan hormuud ka ahaa. Ilaa haddana hormuud ka ah iyo rag kaloo weli aan isa soo shaacin laakin mar dhow magacyadooda aan usoo bandhigi doonno saxaafada. Hadii aa nahay UHU waxaa nala gudboon in aan dalkeena iyo dadkeena difaacno naftayadana aan u hurno. Waxaan kaloo ugu baaqeynaa shacbi weynaha Biimaal in ay meel ugu soo wada jeestaan dibin daabana aan lagu qabsan dhulkooda shaar dowladeed ama shaar diineyd midna. Si aan la gabbasho lahayn ayaan usoo bandhigeynaa oo aan dunidaana u sheegeynaa, oo aan dadkeennana u xasuusineyaa, in Maamulka ay Dowladda u keentey inuu yahay mid xaaraan ah, oo aan dunida ka codsaneynaa in la soo saaro maxkamad ee aysan ahayn in lagu abaal mariyo jaraa;imtii uu ka galey gobolka, isla asaga oo aan u dhalanin. Intii dhiig lehow xasuusta in dib loo soo celiyey allaha u naxariistee maamulkii sida tan hoosta ku xusan ka dhigey gobolka shabeellada Hoose..cadaaladda ay dowladda u keentey gobolka shabeellada hoose.... inala fiiriya.. intii illowdana xasuusta, intaan ogeenna ogaada.. geesigii Xasan Ibraahin Cali(Xasan Geesdiir) waa kan, fara ku dhiiglayaashana waa kuwaan idin soo noqdey.. dunida ha ogaato alshahiid Xasan Ibraahin Geesdiir in lagu diley dhiig qqabow, oo aan lagu dilin rasaas, aadna ka dhergi kartaan sida naxariis darrada ka baxsan aadan nimada..waa in dunida loo gudbiyo si cadaaladda lala tiigsado kuwa falkaan geystey oo maanta lagu abaal marinaayo inay dib tan iyo mid ka xun u dhigaan.. Shahiid: Xasan Ibraahin Cali(Xasan Geesdiir








Guddoomiyaha UHU
Maxamed Sheekh Xasan



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com

No comments:

Blog Archive