Sunday, May 15, 2011

Dirta Koofureed oo Markii ugu horeeysay isku duubni Muujisay,shirkii ugu weeynaa oo ay Maanta isku soo horfariisteen Nairobi-04.July.2004

Dirta Koofureed Shir ay yesheen (Qoraal Hore oo soo baxay 20


Dirta Koofureed oo Markii ugu horeeysay isku duubni Muujisay,shirkii ugu weeynaa oo ay Maanta isku soo horfariisteen
Nairobi-04.July.2004 Garabyadda dirta koofureed ayaa markii ugu horeeysay Maanta ku tilaabsaday guul ka dib markii ay isu cafiyeen si wadajir ah.

Dirta koofureed oo Maanta shir Saacado badan qaatay ku yeeshay hotelka Chester house ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Shirgudoon ay u doorteen Cabdi Warsame isaaq,markii uu shirkaas dhamaaday kadib oo saxaafadda loo ogolaaday inay galaan gudaha ayaa la arkayay hogaamiyaasha siyaasada iyo dhaqanka dirta Koofur oo Gacmaha isku dhegan ayna ka muuqato farxad ku aadan guusha ay gaareen.

siyaasiyiinta iyo dhaqanka maanta isi soo horfariiistay waxaa ka soo dhex muuqday,Cabdi Casiis sheekh Yusuf,Cabdullaahi sheekh Cusmaaciil,Cabdi warsme isaaq oo ka mid ahaa siyaasiyiintii direed ee Gollaha SRRC,halka TNG dana ay ka socdeen,Proff ibbi,Muxayadiin Max,ed Xaaji,Faadumo Aadan,dhanka bulshadda Rayidkana waxaa laga tilmaami karay,Saki Cabdi Salaan,Qamar Aadan,iyo Sayid Cali,waxaa kale oo meeshaas ka soo dhexmuuqday Gudoomiyaha SSNM Asali,Axmed Saadaq Max,ed Faarax,halka hogaamiyaasha dhaqankana ay ka joogeen guud ahaantood,oo laga sheegi karo Magacyo ay ka mid yihiin,
Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali, biyomaal,
Suldaan Axmed Suldan Max,ed,suldaanka biyomaal,
Ugaas faarax cabdi sheekh,Ugaaska gaadsan.
Ugaas cabdi yare jaamac,Ugaaska Madaluug.
Ugaas Xuseen Xaaji Cumar ,Ugaaska Qubeeys.
Suldaan Max,ed Khaliif,Suldaanka Faqi Muxamed.
Ugaas Cabdi salaan dahir Isaaq,Ugaaska Faqi Muxamed.

waxaa ayna ugu dambeeyn dhamaan baaq u direen dirta degto gobolada Somaliya kuwaas oo ay ugu baaqeen inay banaanbax balaaran muujiyaan ,iyo sida ay u taageersan yihin shirka,waxaa ayna dhamaan dirta koofureed u sheegeen inaysan cadkooda cidla uga tegi doonin.

Danjirah Maxamed Axmed Cawil ( warar ku sabsan

No comments:

Blog Archive