Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub
 ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay.
 Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur
 (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda
 Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe
 Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii
 Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;
 Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
 Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
 Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye
 Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
 Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
 Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye
 Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
 Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye
 Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
 Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
 Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
 Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
 Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
 Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye
 Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
 Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
 Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
 Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
 Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
 Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
 Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e
 Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
 Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Sunday, April 24, 2011
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Blog Archive
- 
        ▼ 
      
2011
(256)
- 
        ▼ 
      
April
(33)
- 
        ▼ 
      
Apr 24
(20)
- Odayaal Ka Tirsan Beesha Direed Oo Madaxweyne Shar...
- DULMIGA AY RAG U DHASHAY SOMALILAND KU HAYAAN DANT...
- XEERKII DIREED EE HOR
- (SSNM/BIRAM/SRRC) Mudane: Ambas.Cabdullaahi Sheekh...
- GADABUURSI DIR TREATY WITH BRITISH EMPIRE : AWDAL ...
- Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur ARAP DIR
- MAH MAHYO SOMALIA IYO INGRIIS
- Beelaha Macalin weyne iyo Gaadsan oo ka heshiiyey ...
- DAGAALO BA'AN OO DAWEEYD GADSAN IYO AWLIYAHAN AFGA...
- REER BAARE - BAH GERI AND BAJIMAAL DIR REGION
- Qabiilada Lagu Sameeyay Cilmi Baadhista By Ghandi ...
- DAAROOD PROPAGANAD BEENTA DAAROOD DIR KA FIDIYO
- DHAQANKII HORE EE SUUBANAA EE DIREED
- HONORABLE OMAR GEELE PRESIDENT OF DJABOUTI BIOGRAPHY
- HABAR YONIS AND HABAR JECLO ISAAQ DIR CLANS
- NAME DIR
- XEER DIR CUSTOMERY LAW
- THE BIYOMAAL MAXAMED XINIFTIRE DIR CLAN
- Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil) BIYOMAAL DIPLOMAT AN...
- BAH DIR ROOBLE BEESHU GABOOSE KA SOO JEEDO
 
 
- 
        ▼ 
      
Apr 24
(20)
 
- 
        ▼ 
      
April
(33)
- ► 2012 (418)
 
 
No comments:
Post a Comment