Sunday, April 24, 2011

DHAQANKII HORE EE SUUBANAA EE DIREED

_____________________________________
XEERKA DIREED

XEER SOMALIGA IYO XASOORKA DADKA SOMAALIYEED WAXAA ALIFAY OO

HINDISAY HEER BEEGTIDA DIREED. XAQA, XEERKA, IYO HABKA

XADQUDUBKA LAGU XALIYO XEERBEEGTIDA DIREED AYAA ALIFTAY.

FIIRI, KALMADA XEERBEEGTI, WAA KII XAQA BEEGAY AMA MIISAAMAY.

INDHEERGARADKII HORE IYO CUQAASHII HORE EE DIREED WAXA AY AS

-AASEEN WAXA LA YIRAAHDO XEER ILAALINTI OO BARIGII HORE AY

SUMAD U AHEYD GEEDKA IYO GUDIGA HOOS FARIISATA, WAXA CAADO

AHEYD IN QOFKII LAGU XAD GUDBO UU SAMEYSTO XEER ILAALIYAAL

(LAYERS) OO AHAA GAR YAQAAN. QAREENO AYAA JIRAY KU TAQSUUSA

XEERKA IYO GARTA. RAGA XEERKA YAQAAN EE INDHEER GARADKA AH

KALIYA AYAA TALIN JIRAY, BARIGII DANBENA TALIYAYASHA DIREED

WAXAA LOO AQOON JIRAY GARAAD.

XADAARADIHII HORE EE DIREED WAXA AY SAMEEYEEN XUKUUMADO ADAG

OO AY KU FADHIISIN JIREEN XEERKOODA IYAAGOO DADKOODA IYO

DADKA KU DHEX NOOLA BARIGAA SINAAN IYO WALALTIMO KU DHAQI

JIRAY. TAASI WEXEY KEENTAY IN MUDO YAR KA DIB MARKII AY

BEELAH DIREED KA SOO KICITIMEEN DULEEDKA ITOBIYA IN DADKII

DALKA JOOGI JIRAY OO DHAN IN AY HOOS YIMAADAAN XUUKAMAD

DIREED OO AY SHEEGTAAN XITAA IN AY DIR YIHIIN.

XEERKII HORE EE MANTA LOO YAQAAN XEER SOMALIGA WAXAA LAGA SOO

GAARAY AYAA LA YIRAAHDAA ODEYGII DIREED IYO ABIHIIS AJI.

MAANTA WAXAAD DADKA SOOMALIYEED MEEL WALBA AY JOOGAAN

JIRAAHDAAN NINKII XEERKA DIR LAGA SOO GAARAY KA LEEXDA AJI

MAAHAN AMA WAA MID AAN HAYSAN XEERKA AJI DIREED.

CAADOYINKII HORE EE DIREED EE DHAQANKA SOOMALIDU KA ASKUMAY

DIRKII HORE WAXA AY DIHI JIIREEN WAA HIBOOYIN IYO GARAAD UU

ILAAHEY KU MINEYSTAY, OO XAGA SARE KA YIMID OO UU ILAAHEY KU

MINEYSTAY.

XUKUNKA GARAADKA

BARIGII DIR AY DALKA KA TALINEYSAY WAXA BEELAHA U TALIN JIRAY

GARAADO KA DUWAN HABKA QABIILADAN HADA YIMID GARAADADOODA AY

ISKU ARKAAN. BEELAHA DAROOD IYO HAWIYE MAANTA GARAAD WAXA AY

U YAQAANAN NIN WAALAN OO KALIGII TALIS AH OO DADKA MAQUUMIYA

OO INTA BADAN DHIIGYA CAB AH, AADNA U MASAKAX YAR.

DIRKII HORE EE MAGACAN SAMEYSTAY WAXA AY GARAAD UGU YEERI

JIREEN NIN MASKAX BADAN OO GARAADKIISU SAREEY0, GARTAMA WIXII

SAN. MARKII WAXA QARIBMAANA AMA DADKIISU IS QABTAAN KALA

SAARA OO GARTA U QAADA.

GARAAD DIR WAXA AY U AQOON JIREEN NIN BARTA HEERKA IYO SIDA

GARTA LOO QAADO.

MARKA DIRKII HORE WEXEY KU QEEXI JIREEN GARAAD, NIN GARTA U

AADA DADKIIS.

CIDAMADII HORE EE DIREED

CIDAMADII HORE EE DIREED 1000 SANO KA HOR AYAY BIXIYEEN, OO

ALIFEEN HABKA IYO XEELADAHII DAGAAL EE ILAA 1990 AY

ISTACMAALI JIREEN CIDAMADA SOMALIYEED EE DOWLADA SOMALIYEED.

DIRKII HORE WAXA AY ARUURIN JIREEN WIILASHA YAR YAR MARKII AY

QAAN GARAAN OO AY 15 JIRSADAAN OO AY U XULI JIREEN UNUG UNUG

(UNITS) . UNUG KASTA WAXAA LA ORAN JIRAY (JIIL AMA JAAL)

(COMMARADS). SIDAD OGTIHIIN SIYAD BARRE OO AHAA NIN WAX BADAN

OG AYAA WAXAA UU KA EEGTAY KALMADII (JAALE) FIKRADII HORE EE

DIREED.

DIRKII HORE KOMANDAHA CIIDANKA WAXAA AY UGU YEERI JIREEN ABAN

DUULE AMA AMAAN DUULE. HORE JOOGAYASHA CIIDANKA WAXA AY U

JAQAANEEN GAASHANLE, CIIDANKA KUN KOR UDHAAFANA GUUTO.

Back to top

Guest

Posted: Thu Nov 29, 2007 7:54 am Post subject:

MUDANE DIRSAME: MAGACA DIREED

________________________________________
SIDA MAR DHAW INOO CADAAN DOONTA TAARIKHDII DIREED EE HORE

WAA LA AASAY, OO BEEN IYO BUHU BAHAA FARA BADAN AYAA LAGU

DAHAARAY, DABOOL ADAG AYAA LAGU DADAY, CULEYS FARA BADAN IYO

MIISAAN AYUU CADOWGU SAARA.

QAAR XITAA DIR AH AYAA LA SIRAY OO LOO DIDAY MAGACOODA.

SOMALIDU SE WEXEY TIRAAHDAA ” SIRAA MA HOODO”.

INSHA ALLAH RUNTA WAA LA SOO QODI DOONA!

SIXIRKA SADRIGA DIREED WAA LAGA SAARI DOONA!

[i]MAGACA DIREED MARKA LA SOO BAARAY WAXA LAGU SIFIYAY DOOR

MACNE

1. DIR WAXAA LA YIRAAHDAA DAD (GENERIC TERM FOR PEOPLE)

2.DIR WAXAA KALE OO MACNEHEEDU NOQONEYSAA “FIR” AMA WAX LAGA

SOO ASKUMAY, DUNJI, AMA ABKII HORE.

SOMAALIDII HORE AYAA WAXA AY DHIHI JIREEN ” NEEFKA XOOLAHA AH

DIRKIISU WUXUU KA SOO JEEDA” IYAGOO U JEEDA WAXAA UU KA SOO

FARCAMAY.

3. DIR WAXAA LA DHIHI KARAA WAA NIN (MAN). WAXAA KALMADAN

XITAA KU DHAWDAHAY KALMADA (DHIIRI) OO AH NIN GEESI AH OON

CABSAN.

MAGACA DIREED WAXA LAGU MAGACAABAY LABA MAGALO OO KALA AH

DIRADHABE IYO BANADIR.

MID WAXAA BAXSHAY BEEL WEYNTA GURGURE-AKISHO (MAXADWEYNE DIR)

OO QARNIGII 1300 MAR AY LA LOOLALTAMAYEEN OROMADA AY GUULO

FARA BADANA KA SOO HOYEEN OONA AY KA QABSADEEN MEEL FAGAARO

AH OO AY U BAXSHEEN ” DIRAA-DHABE” AMA MEESHII UU DIR KA

TAAGAY WARANKIISI.

DHANKA KALE, 1500 XILIGII AY OROMADA XOOGEYSTEEN AYAA WAXAA

DHACDAY IN BEEL DIREED OO GALBEEDKA DAGAN AY SOO RIIXEEN

CIDAMADII XABASHIDA EE GUREY LA DAGAALAMAY IYO GAALADII

XILIGAAS LA SOCDAY EE PURTAQIISKA, BEESHAAN DIREED OO AAN

MANTA U NAQAANO BIIMAAL AYAA KA SOO GUURTAY WAQOOYI GALBEED

OO SOO DAGTAY GOBAL AY WAAGAAS U BAXSADEEN –BANADIR– AMA

BANKII DIREED. BARIGAAS OO AY BEESHAN DIREED EE BIMAAL KA SOO

TAGTAY GALBEEDKA-WAQOOYIGA WAXA KA HARAY LA IYAGA KA MID AH

OO MANTA DALKAAS DAGAN OO ” GAADSAN AAN U NAQAAN HADTAN.[/i]

1 comment:

Adams Kevin said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

Blog Archive