Sunday, April 24, 2011

Odayaal Ka Tirsan Beesha Direed Oo Madaxweyne Shariif Ku Eedeeyey Inuu Sameeyay Cadaalad Darro.

Odayaal Ka Tirsan Beesha Direed Oo Madaxweyne Shariif Ku Eedeeyey Inuu Sameeyay Cadaalad Darro.

Muqdisho (DHM Radio):-Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Direed ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku yeeshey kulan ay kaga hadlayeen arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo waxyaabihii ugu danbeeyey ee ku soo kordhay.

Odayaashan ayaa sidoo kale waxa ay ka hadlayeen xil ka qaadistii uu dhawaan Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka soomaaliya uu ku sameeyey guddoomiyihii Maxkamadda sare ee xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya.

Gaba gabadii kulankaas ay yeesheen Odayaasha iyo wax garadka Beesha direed ayaa ugu danbayntii waxaa saxaafadda uga war bixiyay Shiikh Faarax oo ka mid ah Odayasha dhaqanka beesha direed kaasoo sheegey in shirkooda ay uga hadlayeen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto cadaalad darro ay ka tabanayaan Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

Shiikha ayaa sheegey in Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare uu magacabay madaxwynaha dawladda ku meel gaarka soomaaliya isagoo taas ogna uu hadana guddoomiye kale ka soo daba magacabay taasoo ay ku sheegeen in ay tahay cadaalad darro uu madaxweynuhu u bareeray.

Kulanka ayaa sidoo kale Odayashu lwaxa ay ku eedeeyey Shiikh Shariif inuu ka shaqeeyay sidii uu beesha direed dhaxdeeda uga abuuri lahaa khilaaf iyo iska hor imaad taasoo bay yiraahdeen madaxeynaha wuxuu ka shaqeeyay sidii ay beeshu isku khilaafi lahayd dabeetana dhexdeeda uu uga buurmi lahaa is qab qabsi.

Odayashan ayaa ka codsaday Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka soomaaliya maadaama uu yahay adaxwynaha dalka inuu cadaaladda ka shaqeeyo isla markaana uu faraha kala baxo wixii abuuraya cadaawad waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Si kastaba dhawaan ayaa markii xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee Maxakmadda sare ee xukuumadda ku meel gaarka soomaaliya waxaa arrintaa ka qayliyay Beeshan oo uu guddoomiyuhu ka soo jeeday kuwaasoo si weyn uga gil gishay xil ka qaadista lagu sameeyey.

Marwalba Iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com Ka Aqriso Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Soomaliya Si Aad Ulasocto Xaalada Somaliya.

Xafiiska wararka London.

NALA SOO XARIIR Webmaster@Dhacdooyinka.Com

No comments:

Blog Archive