Tuesday, September 13, 2011

Sun, Feb 14 2010 Xiisad Colaadeed dib uga soo cusboonaatay Deegaano ka mida Gobolka Mudug.

Sun, Feb 14 2010
Xiisad Colaadeed dib uga soo cusboonaatay Deegaano ka mida Gobolka Mudug.

beeleedddBartamaha(Bacaadweyn):-Xiisad Colaadeed ayaa dib uga soo cusboonaatay Deegaano ka mida Gobolka Mudug halkaasi oo dhawaan xal laga gaaray Dagaal beeleed ka dhacay Deegaanadaasi.

Xiisad u dhexeysa laba beelood ayaa laga dareemayaa Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaaro oo ka mida Gobolkaasi Mudug halkaasi oo dhawaanahan uu dagaal ka socanayay.

Xaalad kacsananaan ah ayaa saacadihii ugu danbeeyay laga dareemayay Deegaanka Bacaadweyn oo ay isku horfadhiyaan maleeshiyo ka soo kala jeeda laba beel oo dhawaan dagaalkooda la soo afmeeray.

Beelaha dagaalka uu u dhexeeyo oo kala ah Qubeys/Dir iyo Saleebaan/Habargidir ayaa waxa ay muddo bil ka badan isku dilayeen Bacaadweyn oo ay isku hayaan Ceel Biyood.

Labada Bee3l Odayaashooda ayaa waxa ay horay quus uga taagnaayeen joojinta dagaalka ka dhacayay Bacaadweyn oo ay labada beel dad badan isaga laayeen.

Xiligan Xiisada waa ay taagantahay waxaana warar ka soo baxaya dhanka maamulka Gal-mudug ay sheegayaan in maleeshiyo ka timi maamulka Ximin iyo Xeeb ay sii hurinayaan Colaada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.Com

.

No comments:

Blog Archive