Tuesday, September 13, 2011

Shacabka deegaanka Xeraale oo ka cabanaya waxyaabaha qarxa 27 June, 2011 01:51:00 yuusuf maxamud

Shacabka deegaanka Xeraale oo ka cabanaya waxyaabaha qarxa
27 June, 2011 01:51:00 yuusuf maxamud

Xeraale: Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in wax laga qabto miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa ee ku aadan tuulooyinka hoostaga deegaankaasi.



Kadib markii maalintii shalay deegaanka Xeraale ay ku dhaawacmeen ilaa sedax caruur ah waxyaabo qarxa oo ay ku cayaarayeen, ayaa dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo tuulooyin hoostaga gobolka Galgaduud waxa ay ka cabanayaan miinooyin iyo waxyaabo kale oo qaraxa kuwaasi oo yaala meelo ka mid ah deegaanadaasi.



Shukri Cabdi Ceynab oo ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi ayaa waxa uu sheegay in deegaanka xeraale uu ka mid yahay meelihii ay sida weyn ugu dagaalameen ciidamadii dowladdii Max’ed Siyaad Barre iyo kuwii Ethiopia, waxaana uu sheegay in wadooyinka qaar ay ku aasanyihiin miinooyin kuwaasi oo dhibaatooyin ay ku qabaan dadka reer miyiga iyo kuwa xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanadaasi.



Waxa uu intaasi ku daray Shukri Cabdi Ceynab in ay u baahanyihiin hay’ado kala shaqeeya sidii miinooyinkaasi looga saari lahaa meelaha ay ku aasanyihiin, waxaana uu ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada xeraale in ay ka caawiyeem arimahaasi.


Cabashadana dadkaani ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ay ka dhacayeen qaraxyo ka dhashay waxyaabo qaraxa oo horay loogu aasakay deegaano ka tirsan gobolkaasi iyo dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho Qore Mahamuud Yussuf Xafiska Cammaara Sweden Contact

No comments:

Blog Archive