Sunday, April 24, 2011

BAH DIR ROOBLE BEESHU GABOOSE KA SOO JEEDO

Ninkii kugu yiraahda Isaaq Dir maha waxad tustaa Afar Masalo: 1)Gabeygii Guba oo Habar Yoonis Ugaskoodi leeyahay Idoor waa dire hadey Duulan soo kicis dhageysii. 2) Arabka Isaaq usheeg inuu dhalay Saciid Dhulbahante oo Saladiintoodu Bah Dir ku noqdaan Muse Carre. 3) Majeerteenka markuu Bah Dir sheegto in uu Isaaqnimo un kuso Gali Damal Muuse ( Bah Dir Rooble Traditional polities library of Congress BAH DIR Muqdisho/Maqdishu bf.1331 Muqdisho/Maqdishu sultanate established (in 20th century often referred to by the Italian version Mogadiscio) Sultans - Abgaal lineage - ... - ... Cumar/`Umar ... - ... Axmed I/Ahmad I ... - ... Maxamad I/Muhammad I ... - ... Axmed II/Ahmad II ... - ... Maxamuud/Mahmud ... - ... Cali/`Ali ... - ... Cismaan/`Uthman ... - ... Maxamad II/Muhammad II *1860* Axmed III/Ahmad III --------------------------------------------------------------------------------Majerteen c.1600 Majerteen or Harti sultanate founded 1927 incorporated into Italian colony Sultans - Keenadiid clan, Bah Dir lineage - ... - 1815 Maxamuud IV/Mahmud IV 1815 - 1842 Cismaan II/`Uthman II 1842 - 1844 Yuusuf IV/Yusuf IV 1844 - 1860 Maxamuud V Yuusuf/Mahmud V ibn Yusuf 1860 - 1927 Cismaan III Maxamuud/`Uthman III ibn Mahmud --------------------------------------------------------------------------------Hobyo 1878 Hobyo sultanate split off from Majerteen Oct 1925 incorporated into Italian colony (known as Obbia) Sultans - Keenadiid clan, Bah Dir lineage - 1878 - 28 Sep 1911 Yuusuf Cali/Yusuf ibn `Ali 1911 - Oct 1925 Cali Yuusuf/`Ali ibn Yusuf


Bah dir Rooble Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku noqday:


BAH DIR ROOBLE WAA BEESHA GABOOSE EE U BADASHAY WAAGII DANBE MAGACOODA DAMAL MUUSE, LAGANA TAKOORAY AMA ERYAY KONFURTA



Bahdir inay majnuun wada tahaan marag u haystaaye Waa niman masakhan oon ahayn midhaha Daaroode Waa niman siddii Moolaadhabe miciya dheerdheere Waa niman maddada oo cir weyn oo masiiba ahe Waa niman lafaha mudhuxsadoon muruqna reebayne Waa niman haddad min u furtoo malab durduursiiso Ama aad maqaarreyda geel xero u meegaarto Waa niman inay mahad naqaan laga malaynayne Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay maalka oo dararay Waa niman martidu eeyan tegin madal ay joogaane Waa niman madaal inay baxshaan loogu muhanayne Waa niman haddaad gabadh markab ah maqaasiinka u geyso Wuxuu fiidka horre mayracoo marakabeeyaaba Waa niman masaladood jabtoo hooyadood mira e Waa niman misciliisha ugu jira sina u meerkeede waa niman candhada laga maraa milil ka dhiiqaaye Waa niman maruubada lafoo minidu dhaaftaaye Waa niman siddiii mowle bahal laga mareertaaye Waa niman mareeg lagu dabraa sida maliid awre Waa niman madhuushoodu tahay mooye qaab darane Waa niman margigu siiban yahay iyo mataanuhuye Waa niman macaankii jannada meel aan ku lahayne Waa niman futadu maastahoo duud maloogna ahe Waa niman miskaha lagala dhacay qaare madax weyne Waa niman minjuhu ay yihiin miiqan taag darane Gabaygaa ha laguu maadsadee mariya oo geeya Markab nagaga sii qaada oo meel walba u dhoofsha Nimankii makhaayadaha fadhiyey naga mihiibsiiya

4 comments:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

Anonymous said...

Cabdiwaaxid Khaliif Muxuu soo Kordhiyay: Reer Cabdi-Gaboose Rer Mudug Ma-ahan

Siciid xasan
sdhegacade@hotmail.com

Cabdi Yuusuf Dalab oo ku magac dheeraa Cabdi Gaboose, Ilaahy janadii haka waraabiyee, iskadaa isaga iyo aabihiise, awoowgiissii 15aad waxay kasoo jeedaan deegaankaas teedsan carro mudug korna u aad ilaa bariga Baargaal. Xaaji Cabdi-Gaboose waxuu ka mid ahaa amase hormuud ka ahaa raggii seeska u jeexay magaalada Galkacyo, waxuu ahaa caaqil bahdiisu jeceshahay maamuus iyo xormana ku lahaa tolkiis iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Aniga qoraya maqaalkaan Cabdi-gaboose waxuu iigu toosanyahay awoowe, oo aabbahay adeer buu u ahaa.

Ninkii yaqaan Galkacyo baa garanayee waxuu maqaamkiisa ganacsi garabka ku hayay Xaaji Aden Wabeeneeye oo ahaa Xaajigii dhisay masaajidka ugu wayn Gaalkacyo.una dhawow suuqa macaauunta ee bartamaha magaalada. Gaboose isaga iyo isirkiisaba waxay ku dhasheen deegaanka Mudug, waxuuna ahaa Caaqil ka diiwaan gashan maamuladii isticmaarka iyo kii soomalidaba. Waxuu ahaa halbowlaha ay ku soo hirtaan beesha Dir isagoo lagu yiqiin in gurigiisa sidii Kuleejo oo kale ay marwalba tuunsanaayeen dhammaan jilibyada Dir ee aan u kala soocnayn.

Haddi aan sii faaqido Cabdi gaboose Jilibkiisa waxaa la yiraahdaa Dir-Rooble, waxaana u malayn wiilka la yiraahdo CabdiWaxid inuu maqlay Bah-dir rooble oo ah jilibka ugu caansan Cismaan Maxamuudka Majeerteen, oo macnuhu yahay islaan Dir rooble baa dhashay qabiilkaas lagu abtirsanayo. Cabdi gaboose waligiis lagama maqal waxaan kasoo jeedaa Carro waqooyi oo waayadan dambe qabiilka iyo siyaasadda la isku qassay ayaa is xulafaysi dartiis loo sameeyay isku abtirsiinyo dano siyaasadeed ka dambayso.

Haddaan usoo noqdo arrinka SNM ee uu ka dhawaajiyay Cabdi waaxid. Waxaad ogaataa in rag badan oo u dhashay Dir Mudug ku biireen dagaalyahanadii SNM, ayagoo ka dhiidhiyay arrintii foosha xumayd ee taliskii Barre ku hayay walaalahooda Waqooyi. Waxaana ka mid ah oo hadda kula jooga London Siciid Indhool oo dagaalkaas ku waayay labadiisii indhood ee qaaliga ahayd waligiisna lagama maqal waxaan ahay rer waqyooyi. Ogowna isaga iyo rer Gaboose abtirsiinaya aad bay isugu dhow yihiin. Waxaa kaloo ka mid ahaa ninkii hogaamin jiray garabkii Khalid bin waliid ee allaha unaxariistee Cabdinaasir Sh.Cali Salaad oo ku dhintay dagaalkii u dambeeyay, iyo rag kaloo badan.

Cabdi Waaxid abti intaadan falin ka fiirso, Gaalkacyo markii kuugu horaysay waan xasuutaa oo waxaad timmid markii uu geeriyooday Awoowgay Cabdi-Gaboose sannadkii 1978dii. Marka maanta inaad tiraahdid Dr.Gaboose waxuu ka yimmid Caro walwaaleed isagoo ku barbaaray dhul aan tolkiis joogin. Qadafkaas waa inaad ka istaaqfuralaystaa! waayo dambi weeye haddii qof nasabdii ka leexiso oo aad u jahayso cid aan dhalin. Ka waran haddaan iraahdo Cabdi waaxid shaqo kuma leh ninkii rer Cigalle ee labo lafoodka ahaa ee shaarabada dheeraa oo aan kugu ladho qof kale subxaanallha ima qabato. marka iska jir arrimaha siyaasadda iyo xagga nasabiyadda. Waxaad kaloo kuu sheegin Cabdi Gaboose waxuu abti u yahay Islaanka Cisse Maxamuud ee Islaan Ciise bal waydii oo waxaad tiraahdaa Abtigaa xagge kasoo jeedaa. Teeda kale Galkacyo ilaa golol ilaa Ayl baa tolkiis xoolahoodu daaqayaa oo maanta ina Gaboose haddii galkacyo lagu qafaalan lahaa waxaan u malayn in wax badan la iska waydiin lahaa raggga qafaashay ee meel u carro gedisaday maalin walbana la leeyahay waannu musafurin haku musbaarin


Siciid xasan

Anonymous said...

Hada sheegad ayay noqdeen,waxana ay raaceen Habar Yonis oo ay sheegteen 1972gii, boqolkii 70% Dir Rooble waxa ay raaceen Dirka Koonfureed intii soo hadhayna 30% wexey u guureen Waqooyiga iyaagoo ku biiray Habar Yonis. Rooble la baday shirkii lagu magacaabay ayaa lagu magacaabaa shirkii Dir Rooble lagu Qeybsada

Dahirozoble said...

Sax weeyee

Blog Archive